Liverpool Oo Loo Sheegay Wakhtigu Mohamed Salah Bixi Doono.

Xidigii hore ee Liverpool ayaa sheegay in Mohamed Salah uu ka tagi doono kooxda dhamaadka xiliciyaareedkan.

Salah ayaa xagaagii lasoo dhaafay xiisa weyn ka helay kooxda ka ciyaarta horyaalka Sacuudiga ee Al-Ittihad, iyadoo kooxda lagu soo waramayo inay dalab ka badan 200 milyan Ka gudbisay saxiixiisa.

Inkasta oo ay Reds ay diiday dalabka kooxdaas hadana waxa ay isku dayi doontaa in ay la wareegto xiddiga suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sannadkii 2022-kii Salah waxa uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku joogayo garoonka Anfield isaga oo noqday xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaas waxa ka dhimanaan doona 12 bilood marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga taasoo albaabka u furaysa inuu baxo.

Iyada oo laba dhibcood oo nadiif ah ku hogaaminaysa kooxda ay xifaaltamaan ee Man City, Liverpool ayaa wali sii wada wadadii ay ku hanan karto horyaalka premier League laakiin halyayga Reds ee Mark Lawrenson ayaa sheegay in Salah waqtigiisa kooxda uu si dhakhso ah u dhamaan doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“100% Mo Salah xaqiiqdii wuu bixi doonaa xagaagan”. Lawrenson ayaa u sheegay Paddy Power.

“Wax kasta oo dhaca xilli ciyaareedkan, waxaan filayaa inuu ka tagi doono kooxda”.

“Wuxuu aadi doonaa oo uu ka ciyaari doonaa meel sida Saudi Arabia oo kale ah, waxaana rajaynayaa in Liverpool ay ku hesho lacag aad u badan oo ay ka hesho dhawr ciyaartoy”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga