Gary Neville Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee U Soo Bixista Champions League.

Gary Neville ayaa ku taageeray Manchester United inay ‘ku soo baxdo boosaska Champions League xilli ciyaareedkan, inkastoo ay ku dhibtoonayaan joogteynta xilli ciyaareedkan.

Kooxda Erik ten Hag ayaa 8 dhibcood ka danbeysa kooxda kaalinta afraad ee Aston Villa ka dib kulamadii sabtida, laakiin Man United ayaa hoos u dhigtay 5 dhibcood kadib markii ay 2-1 kaga badisay Luton Town fiidnimadii Axada.

Man United ayaa ku dhameysatay kaalinta ugu hooseysa group-kooda Champions League bishii December, sidaas darteed rajada kaliya ee ay ka qabaan inay mar kale ka qayb galaan tartanka kooxaha Yurub waa inay ku dhameystaan ​​meel sare oo Premier League ah, laakiin Neville ayaa aaminsan inay weli sameyn karaan.

“Way ku dhamaysan karaan boosaska champions League taas shaki kuma jiro, marka aan eego qaab ciyaareedka Man United, waxa aan aaminsanahay in ay ku dhamaysan karaan 4-aad ama 5-aad”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga