Arsenal Oo Loo Sheegay Sababta Ayna Ugu Guulaysan Doonin Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedka.

Halyeeyga Liverpool John Barnes ayaa aaminsan in Arsenal aysan ahayn kuwa ku loolamaya horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku adkeystay inay tahay tartan labo faras ah oo u dhaxeeya Manchester City iyo Liverpool.

Kooxda Mikel Arteta ayaa sii wada bilawgii wacnaa ee sanadka kadib markii ay 5/0 ku xasuuqday kooxda Burnley iyaga oo soo galay kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Guusha ka dhacday garoonka Turf Moor ayaa timid todobaad kadib markii ay Gunners 6-0 ku xasuuqday West Ham garoonka London Stadium.

Si kastaba ha ahaatee, Barnes kuma qanacsana hanashada horyaalka ee Arsenal ka dib markii ay ku guuldareysteen ay guulo gaadhaan qaybihii hore ee xilli ciyaareedkii hore.

“City waa kooxda ugu cadcad, waxaan ka dhigayaa Liverpool kooxda labaad ee ugu cadcad,” Barnes ayaa yiri

“Arsenal ayaa ku jirtay meel ka fiican haatan xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay ku guulaystaan horyaalka”.

“Marka aad gaadho bilaha February iyo March waxa aad u baahantahay ayaa ah in aad hesho natiijooyin, Man City ayaana awood ku leh arintaas”.

“Liverpool aniga ahaan waxa ay ii tahay kooxda ugu dhaw ee la tartami karta Man City sababta oo ah, Man City ayaa heshay natiijooyin inkasta oo ayna si fiican u ciyaarin”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga