DEG-DEG: Kylian Mbappe Oo Haatanba U Saxiixay Real Madrid.

Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu saxiixay heshiiskii uu ugu biirayay Real Madrid isaga oo qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2029 sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

Kooxda Real Madrid ayaa ku raad joogtay saxiixa xiddiga muddo sanado ah iyaga oo doonayay saxiixiisa sanadihii ugu dambeeyay.

Haatan Marca ayaa warinaysa in Mbappe uu haatanba qalinka ku duugay heshiiskii uu ugu biirayay Real Madrid laba toddobaad ka hor, iyadoo ciyaaryahanku uu si adag uga go’antahay in uu ku biiro Real Madrid.

Mail Sport ayaa soo wariyay todobaadkii hore in Madrid ay diyaar u tahay inay ka dhigto Mbappe xiddiga ugu mushaharka badan laakiin warbixintii ugu dambeysay ayaa sheegtay in ciyaaryahanka uu weli ku qasban yahay inuu dhimo mushaarka.

Madrid ayaa sidoo kale bixin doonta lacag saxiix ah oo dhan 85.5 milyan ginni waxayna la furi doontaa wadahadalo ku saabsan boqolkiiba inta xuquuqdiisa sawireed ee uu haysto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga