
Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jira saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Zubimendi sida ay sheegayaan Wararku.
Arsenal ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Real Sociedad si ay u hesho saxiixa xiddiga Khadka dhexe.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Arsenal wadahadalo horumar leh kula jirto xiddiga reer Spain.
Kooxda Arsenal ayaa qorshaynaysa in ay bixiso lacagta 60-ka milyan ee lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga.
Si kasta ha ahaatee Xiddiga ayaa kooxda Arsenal ku soo biiri doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Xiddiga Zubimendi ayaa horay isaga diiday kooxda Liverpool isaga oo xagaagii sii joogay kooxdiisa haatan e Socedad.
Be the first to comment