WARBIXIN: Hal Saxiix Oo Muhiim Ah Oo Ay Kooxdaadu U Baahantahay Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si aad ah usoo dhowaanaya, kooxaha waaweyn ee Yurubna waxay durba bilaabeen inay isu diyaariyaan ganacsiyo waaweyn.

Si xagaagu ugu noqdo mid wanaagsan, koox walba waxay leedahay boos muhiim ah oo ay khasab tahay inay xoojiso — waana boosaskaas kuwa aan maanta ka hadlayno.

Kani waa saxiixa lambarka koowaad ee ay khasab tahay in kooxdaadu sameyso xagaagan.

Aan ku bilowno Manchester United. Waxay si dhab ah ugu baahan yihiin khadka dhexe ee difaaca  xagaagan. Casemiro wuxuu yeeshay xilli ciyaareed weyn, taageerayaashuna waxay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu hal sano oo dheeraad ah sii joogo Old Trafford, laakiin wuxuu ku adkaystay inuu baxayo.

Tani waxay ka dhigan tahay in United ay khasab ku tahay inay hesho beddelkiisa marka suuqa furmo.

Waxaan horey u aragnay in Manuel Ugarte uusan ahayn ninka saxda ah, sidaas darteed kooxda kuma tiirsanaan karto isaga, gaar ahaan hadda oo ay kusoo laabanayaan UEFA Champions League.

United waa inay si caqli leh u doorataa ciyaaryahanka cusub ee booskaas. Waxay u baahan yihiin qof si fiican ula jaan qaadi kara Kobbie Mainoo isla markaana bixin kara waxa Casemiro siin jiray kooxda.

Ilaa hadda waxaa lala xiriiriyay Elliot Anderson, Sandro Tonali, Carlos Baleba iyo xitaa Granit Xhaka.

Dhamaantood shaqo fiican way qaban karaan, laakiin marka wax walba la eego, Tonali ayaa u muuqda inuu yahay xulashada ugu fiican.

Koox kale oo u baahan inay beddesho halyeey baxaya waa Barcelona.

Robert Lewandowski wuxuu u muuqdaa inuu baxayo xagaagan, laakiin xitaa haddii uusan bixin, Barcelona wali waxay u baahan tahay weeraryahan heer sare ah.

Dadka Qaar waxay dhihi lahaayeen daafac dhexe ayaa muhiim ah, laakiin marka la eego qaabka uu Hansi Flick u ciyaarsiiyo kooxda, xitaa haddii ay la soo saxiixdaan Alessandro Bastoni ama Luka Vušković, wali daafaca waa la jebin karaa sababtoo ah qaabka ciyaarta.

Sidoo kale, baahida garabka bidix ma noqon karto mudnaanta koowaad inta Raphinha kooxda joogo.

Waxa ay dhab ahaan u baahan yihiin waa weeraryahan dhammeystiri kara fursadaha badan ee ay kooxda sameyso kulan kasta.

Kooxda waxaa lala xiriiriyay Julián Álvarez iyo Victor Osimhen, laakiin waxaa la rumeysan yahay in João Pedro uu noqon karo weeraryahanka ugu habboon Barcelona.

Wuxuu leeyahay isku darka tayada Alvarez iyo Osimhen — cadaadis fiican, awood sanduuqa gudaheeda, madax fiican, dhammeystir wanaagsan, in uu boosas abdan ka ciyaari karo iyo isku xidh heer sare ah.

Si dhab ah ayuu ugu habboon yahay Barcelona, gaar ahaan maadaama Chelsea aysan usoo bixi doonin Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin haddii Barcelona aysan lacag badan haysan, waxay eegi kartaa Dušan Vlahović oo bilaash lagu heli karo ama Vedat Muriqi oo qiimo jaban ku iman kara.

Dhanka Real Madrid, arrintu way adag tahay.

Bishii April si fudud ayaa loo oran lahaa waxay u baahan yihiin garab midig. Waxay haystaan mid ka mid ah garabyada bidix ee ugu fiican adduunka iyo gooldhaliye weyn , laakiin waxa ka maqan waa garabka midig oo heerkaas ah.

Magacyo sida Michael Olise iyo Mohamed Salah ayaa noqon lahaa bartilmaameedyo waaweyn.

Laakiin xaaladaha cusub ayaa laga yaabaa inay wax beddelaan.

Haddii Aurélien Tchouaméni laga saaro kooxda kadib markii ay isku dhexeen xiddiga ay isku kooxda yihiin, mudnaanta waxay noqon doontaa khadka dhexe oo daafaca ah, waxaana markaas laga hadli karaa Rodri, Moisés Caicedo ama Tonali.

Waxaa xitaa jira codsi ay malaayiin qof saxiixeen oo lagu doonayo in Kylian Mbappé kooxda laga saaro. Haddii uu baxo, mudnaanta degdegga ah waxay noqonaysaa weeraryahan cusub sida Osimhen.

Sidoo kale David Alaba ayaa baxaya, haddii Antonio Rüdiger isna baxo, waxay u baahan doonaan daafac dhexe oo cusub, gaar ahaan iyadoo Éder Militão uusan sii caafimaad qabin muddo dheer.

Marka guud ahaan, saxiixa ugu muhiimsan ee Real Madrid wuxuu ku xirnaan doonaa sida ay u xalliyaan dhibaatadooda hadda.

Dhanka Manchester City, waxay u baahan yihiin khadka dhexe oo firfircoon oo beddela Bernardo Silva, taasoo sharxaysa xiriirka Elliot Anderson.

Laakiin iyadoo ay joogaan Rodri, Nico González, Mateo Kovačić, Phil Foden iyo kuwo kale, waxay u muuqataa inay ka badbaadi karaan xitaa haddii aysan midfielder keenin.

Laakiin waxa ka muhiimsan waa daafac midig kayd ah.

Haddii wax ku dhacaan Matheus Nunes, City dhibaato weyn ayay geli kartaa.

Waxay xiriir la sameeyeen Givairo Read, kaasoo xallin kara dhibaatadaas.

Dhanka Liverpool, mudnaanta koowaad waa garabka midig ee weerarka oo cusub.

Sanado badan siyaasadda garabka midig waxay ahayd:
“Mohamed Salah oo kaliya ayaa joogaya booskaas”

Laakiin iyadoo Salah la xaqiijiyay in uu baxayo dhammaadka xilli ciyaareedka, waa inay helaan beddel.

Michael Olise ayaa lala xiriiriyay, laakiin ka tagista Bayern Munich si uu Liverpool ugu biiro waxay u muuqataa wax adag.

Labada xulasho ee ugu fiican waxay u muuqdaan Jarrod Bowen iyo Francisco Trincão.

Dhanka Arsenal, arrintu waa cadahay — waxay u baahan yihiin garabka bidix ee weerarka oo weyn.

Waxay haystaan laba striker oo fiican, laba garabka midig ee weerarka oo fiican iyo laba khadka dhexe ee weerarka  oo fiican, laakiin xulashooyinka garabka bidix kuma filna.

Taas ayaa marar badan ku qasabtay Mikel Arteta inuu halkaas ka ciyaarsiiyo Eberechi Eze.

Arsenal waxay horey u tahay koox cabsi leh oo gaartay finalka Champions League markii ugu horreysay 20 sano gudahood, laakiin garabka midig ee weerarka ee heer sare ah ayaa gaarsiin kara heer kale.

Waxay beegsan karaan Bradley Barcola, Rafael Leão ama Yan Diomande.

Haddii ay rabaan xulashooyin jaban, Mika Godts oo Ajax ka u ciyaara ama xitaa Marcus Rashford ayaa noqon kara kuwo fiican.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga