
Kooxda Liverpool ku riyaaqaysa xilli ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Arne Slot.
Reds ayaa ah koox dhamaystiran dhinac walba marka loo bar-bar dhigo xilli ciyaareedkii hore iyada oo tababaraha reer Netherlands uu shaqo fiican ka qabanayo kooxda.
Si kasta ha ahaatee waxa jira xiddigo aan ku raaxaysanayn wakhtiga Slot iyada oo aan ciyaarin kulamo badan.
waxa jira xiddigo badan oo doonaya in ay isaga tagaan suuqa kala iibsiga January.
Halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa warbixin 5 xiddig oo ka tagi kara Liverpool January.
Jarrell Quansah (Daafaca dhexe)
Jarrell Quansah ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore oo ahayd midkii ugu dambeeyay ee Klopp waxana uu helay heshiis cusub.
Xiddiga ayaan si joogto ah ugu ciyaarin Liverpool xilli ciyaareedkan waxana ay u badantahay in uu ka tago kooxda.
Caoimhin Kelleher (Gool haye):
Alisson dhaawac ku maqnaa inta badan xilli ciyaareedkan Kelleher ayaana noqday dookha 1-aad ee kooxda Liverpool.
Goolhayaha ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu muujiyay in uu yahay xiddig ku soo bixi kara koox uu joogto ugu ciyaaro.
Tyler Morton (Khadka-Dhexe):
Tyler Morton ayaa doonaya in uu ka tago Liverpool si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Wataru Endo (Khadka-Dhexe):
Xiddiga Khadka dhexe ee Wataru Endo ayaa booska u waayay xiddiga Ryan Gravenberch kaas oo joogto ugu ciyaara kooxda xilli ciyaareedkan.
Federico Chiesa (Garabka):
Federico Chiesa ayaa loo arkayay mid ka mid ah saxiixyadii ugu jabnaa suuqii xagaaga isaga oo kooxda ugu soo biiray kaliya 12 milyan.
Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda sabab la xidhiidha dhaawacyo oo gaadhay.
Be the first to comment