WARBIXIN: 11 Ciyaartoy Oo La ILoobay Oo Ka Soo Muuqaaya Koobka Adduunka.

Koob kasta oo Adduunka ah wuxuu la yimaadaa xamaasad cusub. Xiddigo cusub, sheekooyin cusub, iyo magacyo cusub oo dunidu ay ogaan doonto.

Laakiin gudaha xulalka 48-ka qaran ee ka qaybgalaya xagaagan waxaa ku jira ciyaartoy caan ahaa dhowr sano ka hor, balse si tartiib ah uga baxay indhaha taageerayaasha.

Kuwani waa 11 ciyaaryahan oo dad badani illoobeen, balse lagu arki doono Koobka Adduunka ee FIFA 2026.

11. Alex Sandro (Brazil)
Alex Sandro oo 34 jir ah ayaa dad badan ka yaabiyey markii lagu daray xulka Brazil. Wuxuu waayihiisii ugu fiicnaa ku qaatay Juventus, halkaas oo muddo dheer loo tixgelin jiray daafaca bidix ee ugu fiican Serie A. Kadib markii uu ku laabtay Flamengo, sumcaddiisii way yaraatay, laakiin hadda wuxuu mar kale ka qaybgelayaa tartanka ugu weyn dunida.

10. Danilo (Brazil)
Danilo oo 33 jir ah ayaa sidoo kale ku jira xulka Brazil. Isaguna wuxuu Juventus uga soo laabtay Flamengo. Inkastoo heerkiisa kooxeed mararka qaar la iska indho-tiray, haddana wuxuu weli yahay ciyaaryahan uu tababaruhu ku kalsoon yahay.

9. Yerry Mina (Colombia)
Yerry Mina wuxuu xusuus weyn ku leeyahay Koobkii Adduunka 2018, halkaas oo uu dhaliyey saddex gool. Dhaawacyo badan ayaa hakiyey horumarkiisa, gaar ahaan xilligii Everton. Hadda isagoo 30 jir ah ayuu mar kale ku soo laabtay xulka Colombia.

8. Marko Arnautović (Austria)
Arnautović oo 37 jir ah ayaa wali ku jira xulka Austria. Wuxuu hadda u ciyaaraa Red Star Belgrade. Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Austria, waxaana la filayaa in tani noqoto Koobkiisii Adduunka ee ugu dambeeyey.

7. Edin Džeko (Bosnia & Herzegovina)
Džeko wuxuu jiraa 40 sano, haddana wuxuu kabtan u yahay Bosnia & Herzegovina. Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda dalkiisa isagoo leh 73 gool. Inuu weli ka ciyaarayo Koobka Adduunka da’dan waa arrin cajiib ah.

6. Riyad Mahrez (Algeria)
Mahrez wuxuu ahaa mid ka mid ah garbaha ugu fiican Premier League, isagoo Leicester kula guuleystay horyaalka iyo Manchester City kula guuleystay koobab badan. Kadib markii uu u wareegay Al-Ahli ee Sacuudiga, wararkiisu way yaraadeen, balse wali wuxuu hoggaamiyaa xulka Algeria.

5. Axel Witsel (Belgium)
Witsel oo 37 jir ah ayaa ka qaybgelaya Koobkiisii Adduunka ee afraad. Wuxuu xulka Belgium ka fariistay kadib Qatar 2022, balse tababaraha cusub ayaa ku qanciyey inuu soo laabto.

4. Adrien Rabiot (France)
Rabiot wuxuu seegay Koobkii Adduunka 2018 markii France koobka qaaday. Wuxuu door weyn ka ciyaaray 2022, haddana isagoo 31 jir ah ayuu mar kale fursad u helayaa inuu riyadiisa rumoobo.

3. James Rodríguez (Colombia)
James wuxuu ahaa xiddigii ugu weynaa Koobkii Adduunka 2014, isagoo ku guuleystay Kabta Dahabka ah. Kadib wuxuu soo maray kooxo badan iyo waqtiyo adag, laakiin hadda isagoo 34 jir ah ayuu kabtan u yahay Colombia.

2. Ivan Toney (England)
Ivan Toney oo 30 jir ah ayaa si weyn loogu xushay xulka England sababtoo ah xirfaddiisa rigoorayaasha. Tababare Thomas Tuchel wuxuu u arkaa hub muhiim ah marka ay timaado kulamada bug-baxa.

1. Jordan Henderson (England)
Jordan Henderson oo 35 jir ah ayaa ka qaybgelaya Koobkiisii Adduunka ee afraad. Kadib waayo-aragnimadiisii Liverpool iyo waqtiyo adag oo uu soo maray, Thomas Tuchel ayaa dib ugu soo celiyey xulka England si uu uga faa’iideysto hoggaamintiisa iyo khibraddiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga