Miyuu Mohamed Salah Sii Joogayaa Liverpool Kadib Bixitaankii Slot, Xog Cusub Ayaa La Shaaciyay.

Mohamed Salah ayaan u badanayn inuu beddelo go’aankiisii ahaa inuu ka tago Liverpool kadib bixitaankii tababare Arne Slot, sida uu sheegay saaxiibkiisii hore ee kooxda, Dejan Lovren.

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa horaantii xilli ciyaareedkan ku dhawaaqay inuu ka tagayo Liverpool FC, taasoo niyad-jab weyn ku abuurtay taageerayaasha kooxda maadaama ay luminayaan weeraryahankoodii caanka ahaa ee sannadaha badan kooxda u adeegayay.

Si kastaba ha ahaatee, Mohamed Salah wuxuu go’aansaday inuu kooxda uga tago si xor ah , inkastoo uu heshiis cusub oo laba sano ah la saxiixday Liverpool FC sanadkii 2025.

Wararka si weyn loo hadal hayay ayaa sheegay in xumaanshaha xiriirka ka dhexeeyay Salah iyo tababarihii hore ee kooxda, Arne Slot, uu ahaa sababta ugu weyn ee ka dambaysay bixitaankiisa.

Hase yeeshee, maadaama Slot isaguna ka tagay Liverpool, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Salah laga yaabo inuu dib uga fiirsado go’aankiisa, isla markaana uu kusoo laabto kooxda si uu uga hoos ciyaaro tababaraha cusub ee Andoni Iraola.

Si kastaba, saaxiibkiisii hore ee Liverpool, Dejan Lovren, ayaa aaminsan in Salah uusan beddeli doonin go’aankiisa ah inuu ka tago kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, daaficii hore ee dhexe ee Liverpool, Dejan Lovren, ma aaminsana in bixitaankii Arne Slot uu ku qasbi doono Mohamed Salah inuu dib uga fiirsado go’aankiisa.

Isagoo la hadlayay WinWin, Lovren wuxuu yiri:

“Maya, way dhammaatay. Mo sidoo kale waa shaqsi leh shakhsiyad adag. Haddii aan hore loo shaacin dhammaan arrimahaas, faahfaahinta bixitaankiisa, mahadcelinta iyo macasalaamaynta, markaas laga yaabee inay suurtagal ahaan lahayd. Laakiin hadda way adag tahay.”

Inkasta oo uu ku adkaystay in Salah weli si rasmi ah uga sii socdo Liverpool FC, haddana Lovren wuxuu rumaysan yahay in xiddiga reer Masar uu sii joogi lahaa kooxda haddii uu hore u ogaan lahaa in Slot uu isaguna baxayo.

Lovren wuxuu intaas ku daray:

“Haa, boqolkiiba boqol ayuu sii joogi lahaa. I rumayso, boqolkiiba boqol ayuu sii joogi lahaa, waan ogahay taas. Laakiin waqtigu ma ahayn mid ku habboon.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga