Real Madrid waa kooxda ay tababarayaal badan ku riyoodaan inay maamulaan, laakiin mararka qaar marka fursaddu timaado, qaar ayaa si yaab leh u diida.
Waxa jira tababarayaal badan kuwaas oo iska diiday in ay tababare u noqdaan Real Madrid inkasta oo ay kooxdu xiiso u qabtay.
Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 7 tababare oo iska diiday in ay tababare u noqdaan Real Madrid.
7. Zinedine Zidane
Zidane waa halyey Real Madrid ah, laakiin markii kooxda mar kale isku dayday inay soo celiso, wuu diiday. Wuxuu hore u sheegay inuusan helin taageeradii iyo kalsoonidii uu u baahnaa si uu u dhiso mashruuc muddo dheer ah. Intaa waxaa dheer, hamigiisa ugu weyn ayaa ah inuu maalin tababare u noqdo xulka France.
6. Jürgen Klopp
Markasta oo kursiga Real Madrid bannaanaado, magaca Klopp waa la xusaa. Si kastaba ha ahaatee, Klopp wuxuu si cad u sheegay in arrintaasi aysan khusayn isaga. Wuxuu hadda ku jiraa mashruuc waqti dheer ah oo uu la leeyahay Red Bull, mana doonayo inuu galo jawiga cadaadiska badan ee Madrid.
5. Julian Nagelsmann
Markii Zidane markii ugu horreysay baxay, Real Madrid waxay la xiriirtay Nagelsmann. Isagu wuxuu qirtay inay wada hadleen, balse wuxuu dareemay inuusan waqtigaas diyaar u ahayn shaqada. Wuxuu aaminsanaa in Madrid aysan ahayn meel aad ku barato shaqada, balse lagaa doonayo inaad isla markiiba guuleysato.
4. Arsène Wenger
Wenger wuxuu sheegay in Real Madrid ay dhowr jeer u soo bandhigtay shaqada. Wuxuu qirtay inuu aad u damcay, laakiin wuxuu doortay inuu daacad u ahaado Arsenal xilli ay kooxdu ku jirtay marxalad muhiim ah oo la xiriirtay garoonka Emirates.
3. Massimiliano Allegri
Allegri wuxuu fursad u helay inuu doorto Juventus ama Real Madrid. Wuxuu doortay Juventus sababtoo ah wuxuu u arkayay jawi deggan oo siinaya waqti uu ku dhiso kooxdiisa, halka Madrid laga filayo guul degdeg ah.
2. Mauricio Pochettino
Pochettino wuxuu qirtay inuu diiday Real Madrid sannadkii 2018. Sababta ugu weyn waxay ahayd inuusan doonayn inuu Tottenham uga tago xaalad adag. Wuxuu ka hormariyay mabda’iisa iyo daacadnimadiisa kooxda shaqada Madrid.
1. Antonio Conte
Conte wuxuu ahaa musharrax xooggan markii Real Madrid ay dhibaato ku jirtay 2018. Hase yeeshee, wuu diiday sababtoo ah ma uusan jeclayn inuu dhex galo mashruuc xilli ciyaareedku socdo. Conte wuxuu door bidaa inuu helo waqti, nidaam iyo xakamayn buuxda halkii uu ku biiri lahaa xaalad degdeg ah.
Be the first to comment