WARBIXIN: Rikoodhkiisa Man United, In UU Saaxiib La Yahay Arteta Iyo Alonso Iyo Waxyaabo Aad Uga Baahantahay In Aad Ka Baratid Iraola.

Kooxda Liverpool ayaa ka yaabisay kadib markii ay shaqada ka caydhisay Slot bishii dhamaatay kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka.

Kooxda Liverpool ayaa badalkiisa u magacawday tababare Iraola kaas oo hogaamin doona mashruuca cusub ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Ka hor inta uuna bilaaban shaqada bisha July ee soo socota waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabo laga yaabo in aanad ka ogayn tababaraha cusub ee Reds.

10. Saaxiibbadiisii Carruurnimada

Iraola wuxuu kasoo baxay akadeemiyadda Antiguoko ee gobolka Basque. Halkaas ayuu kula soo koray laba ciyaaryahan oo caan noqday:

  • Mikel Arteta
  • Xabi Alonso

Saddexdooduba maanta waxay tababaraan kooxo waaweyn oo Yurub ah.

9. Xirfaddiisii Ciyaaryahanimo

Wuxuu 12 xilli ciyaareed u ciyaaray Athletic Club isagoo saftay 510 kulan kana dhaliyay 38 gool, inkastoo uu ahaa daafac midig.

8. Wuxuu Ku Dhawaaday Inuu Noqdo Garyaqaan

Intii uu ciyaaryahan ahaa wuxuu muddo saddex sano ah baranayay sharciga (Law), balse ugu dambayn wuxuu doortay kubbadda cagta.

7. Patrick Vieira Ayaa Ku Dhiirrigeliyay Tababarenimada

Markii uu u ciyaarayay New York City FC wuxuu la soo shaqeeyay Patrick Vieira. Halkaas ayuu ka bilaabay xiisaha tababarenimada.

6. Qoyskiisa

Iraola wuxuu leeyahay xaas lagu magacaabo Itziar iyo laba carruur ah. Gabadhiisu waxay ciyaartaa kubbadda cagta da’yarta, waxaana mar la arkay isaga oo garsoore calan-sid ah u ah kooxdeeda.

5. Hiwaayadihiisa

Wuxuu jecel yahay:

  • Akhriska sheekooyinka dambiyada iyo baaritaanka.
  • Baaskiil wadista, taas oo caan ka ah gobolka Basque.

4. Wuxuu Doorbidaa Heshiisyo Gaagaaban

Iraola ma jecla heshiisyada dhaadheer. Wuxuu aaminsan yahay in kalsoonida kooxda iyo tababaruhu ay tahay in sannad kasta dib loo xaqiijiyo.

3. Marcelo Bielsa Ayaa Saameyn Weyn Ku Yeeshay

Marcelo Bielsa ayaa ahaa qofka ugu weyn ee saameeyay falsafaddiisa kubbadda cagta. Qaabkiisa cadaadiska badan iyo weerarka joogtada ah waxaa laga dhex arkaa kooxaha Iraola.

2. Wuxuu Leeyahay Caado (Superstition)

Iraola wuxuu mar walba faraha qaarkood ku duubtaa cajalad (tape) xilliyada ciyaaraha. Ma aha dhaawac, balse waa caado uu soo waday tan iyo yaraantiisii.

1. Rikoor Cajiib Ah Oo Ka Dhan Ah Manchester United

Sida xogta Opta sheegtay, Iraola muddo dheer lagama adkaan Manchester United, isagoo ciyaaryahan iyo tababare ahaanba wajahday 8 kulan oo aanu midna guuldarro kala kulmin.

Wuxuu qayb ka ahaa kooxdii Athletic Bilbao ee uu hoggaaminayay Marcelo Bielsa oo ka reebtay Manchester United tartankii Europa League, halka kooxihiisii AFC Bournemouth ay sidoo kale guulo xusuus mudan ka gaareen United, oo ay ku jirto guushii 3-0 ahayd ee Old Trafford.

Qodobka ugu yaabka badan ayaa ah in nin markii hore aan si weyn loo aqoon uu maanta noqday tababaraha mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dunida, Liverpool FC.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga