
Liverpool ayaa wadahadalo la furtay kooxda FC Nurnberg iyaga oo ka doonaya saxiixa Xiddig Stefanos Tzimas.
Sky Deutschland ayaa sheegaysa in Reds ay wadahadalo la bilowday kooxda 2.Bundesliga usbuucan si ay u hesho 21 jirkaan.
Tzimas waxa uu amaah ku joogaa Nurnberg isaga oo kaga soo biiray kooxda PAOK, heshiis kaas oo xanbaarsan 15 milyan ginni dookh joogto ah.
Waxaa la soo jeediyay Nurnberg inay si toos ah ula wareegto xiddiga ka dibna Tzimas ka iibiso Liverpool.
Maamulka Nurnberg ayaa ku qiimeeyay xiddiga heerka caalami ee dalka Greece lacag dhan 21 milyan oo euro.
Be the first to comment