WARBIXIN: 10-k Saxiix Ee Ugu Waaweyn Ee Ilaa Haatan La Sameeyay Suuqa Xagaaga.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si xoogan ku bilaabmay inkasta oo lagu mashquulsanyahay diyaar garawga koobka adduunka.

Kooxaha ayaa ogsoon in koobka adduunku qaadan doono inta badan suuqa kala iibsiga xagaaga sidaas darteed waxa ay durba bilaabeen in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxaha.

Haatanba waxa jira kooxo sameeyay saxiixyo cusub iyada oo la soo wareegtay xiddigaha ay doonayeen kana dhigteen bartilmaameedkooda.

Halkan kaga bogo 10-ka saxiix ee ugu fiican ee la sameeyay suuqa kala iibsiga xagaaga.

  • Anthony Gordon → Barcelona
    Gordon ayaa si rasmi ah ugu biiray Barcelona 29-kii May, isagoo diiday dalabyo uga yimid Arsenal iyo Bayern Munich. Wuxuu saxiixay heshiis 5 sano ah oo bilaabanaya 1-da Luulyo.
  • Andy Robertson → Tottenham Hotspur
    Kadib 9 sano oo uu Liverpool joogay, Robertson wuxuu si xor ah ugu wareegay Tottenham, isagoo saxiixay heshiis ka dib dhammaadka xilli ciyaareedka.
  • Marcos Senesi → Tottenham Hotspur
    Daafaca reer Argentina ayaa ka tagay Bournemouth, inkastoo kooxdu gaartay tartamada Yurub, wuxuuna doortay inuu ku biiro Spurs.
  • Antoine Griezmann → Orlando City
    Griezmann wuxuu heshiis la galay Orlando City bishii Maarso, wuxuuna si rasmi ah ugu biiri doonaa kooxda MLS-ka ka dib Koobka Adduunka.
  • Ederson → Manchester United
    Manchester United ayaa heshiis €45 milyan ah kula wareegtay khadka dhexe ee reer Brazil, Ederson, si uu u noqdo beddelka Casemiro.
  • Ismael Saibari → Bayern Munich
    Xiddiga Morocco iyo PSV Eindhoven ayaa heshiis la gaaray Bayern Munich, waxaana la filayaa inuu caafimaadka ku maro inta uu joogo Koobka Adduunka.
  • Ibrahima Konaté → Real Madrid
    Konaté ayaa Liverpool uga tagay si xor ah kadib markii heshiis cusub la isku mari waayay, wuxuuna si degdeg ah ugu biiray Real Madrid.
  • Denzel Dumfries → Real Madrid
    Real Madrid ayaa bixisay qodobka lagu burburin karo heshiiskiisa (€20 milyan) si ay uga soo qaadato Inter Milan.
  • Valentín Barco → Chelsea
    Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa ciyaaryahanka reer Argentina oo ay ka soo qaadatay Strasbourg.
  • Kieran Trippier → Wolves
    Trippier ayaa Newcastle ka tagay kadib 4½ sano, wuxuuna si lama filaan ah ugu biiray Wolves oo u dhacay Championship-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga