Suuqa kala iibsiga ayaa durba si xaraarad leh ku bilowday iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan dhamaystirka saxiixyada ay doonayaan.
Kooxaha ayaa doonaya in ay dhamaystiraan saxiixyada ay doonayaan ka hor bilaabashada Koobka adduunka.
Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la dhamaystiro suuqa kala iibsiga xagaaga:
Andy Robertson -> Tottenham:
Kooxda Tottenham ayaa dhamaystirtay saxiixa daafaca Andy Robertson kaas oo ay si xor ah ula soo wareegtay.
Xiddiga Robertson ayaa ka tagay Liverpool kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxdaas.
Anthony Gordon -> Barcelona:
Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Newcastle United ee Gordon.
Barcelona ayaa diyaarisay in uu xiddigu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Todobaadka dambe si ay uga dhigto heshiiskii uGu horeeyay ee kooxda xagaaga.
Ibrahima Konaté -> Real Madrid:
Daafacii hore ee kooxda Liverpool Konate ayaa ku biiray kooxda Real Madrid isaga oo ugu biiraya heshiis xor ah.
Konate ayaa ogolaaday heshiis 4 sano ah oo uu ku joogayo Real Madrid kadib markii uu xaqiijiyay ka tagistiisa Liverpool.
Denzel Dumfries -> Real Madrid:
Kooxda Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxiixa daafaca garabka uga ciyaara Inter Milan ee Denzel Dumfries Kaas oo ay kula soo wareegayso lacag dhan 20 milyan oo euro.
Denzel Dumfries ayaa dhamaystiray heshiiska iyada laga dhigay saxiixii ugu dambeeyay ee Los Blancos suuqa xagaaga.
Be the first to comment