Sanadihii u dambeeyay waxaa sii kordhayay ciyaartoyda ka tagaya Yurub si ay uga ciyaaraan meelo kale sida Sacuudiga, MLS-ka Maraykanka ama Koonfurta Ameerika.
waxa aan warbixintan kaga hadli donaa 10 ciyaaryahan oo la filayo ama hore uga tagay Yurub sannadka 2026.
1. Robert Lewandowski
Qandaraaskiisa Barcelona ayaa dhammaanaya xagaagan. Maadaama uu 38 jir noqonayo isla markaana daqiiqadihiisa ciyaareed yaraadeen, waxaa la filayaa inuu u wareego Sacuudiga ama MLS-ka.
2. Lucas Paquetá
Xiddiga reer Brazil ayaa ka tagay West Ham bishii Janaayo isagoo ku laabtay kooxdiisii hore ee Flamengo. Inkastoo kooxo waaweyn oo Yurub ah ay doonayeen, wuxuu doortay inuu dib ugu laabto dalkiisa.
3. Youssef En-Nesyri
Weeraryahanka Morocco ayaa ka tagay Fenerbahçe kuna biiray Al-Ittihad ee Sacuudiga. Inkastoo Juventus ay xiisaynaysay, ugu dambayn wuxuu doortay Sacuudiga.
4. Timo Werner
Werner ayaa ku biiray kooxda MLS-ka ee San Jose Earthquakes. Kadib hoos u dhac ku yimid xirfaddiisa tan iyo markii uu Chelsea ku biiray, wuxuu go’aansaday inuu u wareego Maraykanka.
5. Kendry Páez
Xiddiga da’da yar ee Ecuador ayaa Chelsea ka tagay amaah ahaan kuna biiray River Plate ee Argentina. Tani waxay ahayd arrin dad badan ka yaabisay maadaama loo arkayay mustaqbal weyn oo Yurub ah.
6. Mohamed Salah
Waxaa la filayaa inuu Liverpool ka tago dhammaadka xilli ciyaareedka. Kooxaha Sacuudiga ayaa muddo dheer xiisaynayay, waxaana Sacuudigu u muuqdaa meesha ugu dhow ee uu tegi karo.
7. George Ilenikhena
Weeraryahanka da’da yar ee Faransiiska iyo Nigeria ayaa AS Monaco uga wareegay Al-Ittihad. Sacuudigu wuxuu bixiyay €33 milyan si uu ula soo wareego.
8. Gustavo Sá
Khadka dhexe ee weerarka reer Portugal ayaa isaguna ku biiray Al-Ittihad isagoo 21 jir ah. Wuxuu ahaa kabtanka kooxdiisii Portugal kahor inta uusan bixin.
9. Valentín Carboni
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa ka tagay Genoa kuna biiray Racing Club ee Argentina amaah ahaan, si uu u helo waqti ciyaareed badan kadib dhaawacyo isdaba joog ah.
10. Casemiro
Xiddiga Brazil ayaa sheegay inuu ka tagi doono Manchester United marka qandaraaskiisu dhamaado. Waxaa la filayaa inuu u wareego Sacuudiga ama dib ugu laabto Brazil.
Be the first to comment