DEG-DEG: Kadib Niyad Jabkii Koobka Adduunka, Garsoore Cumar Cartan Oo Hogaamin Doona Kulan Weyn Oo Yurub Ah.

Kadib wadahadallo dhex maray UEFA iyo ururka walaalkood ee Afrika, Confédération Africaine deFootball (CAF), UEFA ayaa maanta magacawday garsooraha Soomaaliyeed Omar Artan si uu u dhex-dhexaadiyo kulanka UEFA Super Cup ee 2026, kaas oo la ciyaari doono 12-ka August magaalada Salzburg una dhexeeya ku guuleystayaasha UEFA Champions League, Paris Saint-Germain, iyo ku guuleystayaasha UEFA Europa League, Aston Villa FC.

Inkasta oo uu da’ yar yahay, Omar Artan wuxuu isu muujiyay inuu yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan dunida, wuxuuna ku jiray liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA tan iyo 2018.

Kulamada ugu waaweyn ee uu garsooray waxaa ka mid ah lugtii labaad ee finalka CAF Champions League Final. Aqoonsi ahaan waxqabadkiisa wanaagsan, wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Ragga ee Sanadka CAF 2025.

Artan waxa uu ku jiray liiska garsoorayaasha ee FIFA ee Koobka Adduunka 2026, balse kama qayb geli karin tartanka maadaama aan loo oggolaan inuu galo dalka United States.

Go’aanka lagu magacaabay Omar Artan inuu garsooro kulanka UEFA Super Cup waxaa lagu gaaray qaab-dhismeedka heshiis iskaashi (MoU) oo dhowaan ay kala saxiixdeen UEFA iyo CAF si loo xoojiyo wada shaqaynta dhinacyo badan, oo ay ku jirto garsooridda.

UEFA iyo CAF waxay wadaagaan himilo ah horumarinta kubbadda cagta heer kasta iyo kor u qaadidda qiyamka midnimada, sinnaanta iyo ka hortagga takoorka.

Madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin, ayaa yiri:

“Omar Artan waa garsoore aad u wanaagsan, da’ yar balse khibrad leh, kana soo shaqeeyay heerarka ugu sarreeya ee kubbadda cagta Afrika. Kubbaddu waxay u jirtaa inay dadka isku xirto, UEFA-na waxay rabtaa inay muujiso ixtiraamka ay u hayso Omar iyo xirfaddiisa heerka sare ah ee garsoornimo. Waxaan uga mahadcelinayaa saaxiibkay madaxweynaha CAF, Patrice Motsepe, taageerada uu si buuxda u siiyay hindisahan.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga