Chelsea Oo Taariikh Ka Samaysay Kulankii Crystal palace

Chelsea ayaa taariikh ka dhigatay kulankii Crystal Palace kadib markii ay dhigtay ayna dhigin muddo 118 sano ah.

Palace ayaa ku hor martay Gool ka hor inta ayna Chelsea dhinaca kale u rogin kulanka qaybtii Hore.

Conor Gallagher ayaa laba gool u dhaliyay kooxdiisa waana kuwii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan, ka hor inta Enzo Fernandez uu xaqiijistay saddexda dhibcood waqtigii dhimashada ka dib markii uu caawin labaad sameeyay Cole Palmer.

Waxa ay aheyd guushii labaad oo xiriir ah oo ay gaartay kooxda Chelsea kadib markii ay garaacday Aston villa.

Laakiin Kulanka ayaa Chelsea u ahaa mid Rikoodh jabis ah maadama ay Crystal palace ka badiyeen 13 kulan oo xidhiidh ah.

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo dhan Chelsea badiso tirada intaas le’eg ee kulamada horyaalka oo isku xigta oo ay badisay Hal koox.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga