Shaxda Ugu Fiican Tartankii Koobka Africa Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray tartankii koobka Africa oo socday muddo bil ah.

Tartanka ayaa lahaa xiiso gaar ah iyada oo xiddigo badan isku muujiyeen tartanka.

Xulal badan ayaa tartanka ka dhigay wacdaro iyada oo xiddigo si fiican uga soo dhex muuqdeen tartanka.

Kadib dhamaadka tartanka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee tartanka iyada oo la qiimayno qaab ciyaareedkii xiddigaha.

Xulalka Nigeria, Ivory Coast iyo South Africa ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig kadib wacdarihii ay dhigeen.

Xulalka Cope Verde, Angola, DR Congo, Morocco iyo Mali ayaa shaxda dhinacooda ku leh min hal xiddig.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga