Sidee Ayay Liverpool Iyo Arsenal Champions League Uga Saari Karaan Man City

Champions League ayaa soo laaban doona todobaadkan iyada oo kooxda difaacanaysa tartanka ee Man City la ciyaari doonto kooxda Copenhagen wareega 16-ka

Si kasta ha ahaatee kooxda Man City ayaa halis ugu jirta in laga ganaaxo tartanka.

Laakiin sidee taasi xitaa suurtogal u tahay? Hagaag, Kooxda Kubadda Cagta City ayaa iibsatay boqolkiiba 44.3 saamiga Girona 2017, taas oo tan iyo markii la kordhiyay laga dhigay 47 boqolkiiba.

Xeerarka UEFA ayaan ogolayn in laba kooxood oo ay isku hay’ad leeyihiin ay ku tartamaan hal tartan oo Yurub ah, taas oo shaki galinaysa ka qayb galka labada kooxood sanadka soo socda.

Labada kooxood ee City iyo Girona ayaa qarka u saaran inay u soo baxaan tartanka, iyagoo haatan ku jira kaalinta labaad ee horyaaladooda. Si kastaba ha ahaatee, xeerarka UEFA ayaa sheegaya in kaliya kooxda kaalimaha ugu sareysa horyaaladooda loo ogolaan doono inay tartamaan.

Hadii Arsenal iyo Liverpool ay ku kala baxaan labada boos ee ugu sareeya, markaas City ayaa laga yaabaa in laga saaro Champions League.

Arinta kale ayaa noqon karta hadii ay Girona ku guulaysato horyaalka La Lia isla markaas City ku guulaysato 2-aad ama 3-aad premier League waxa ay keeni kartaa in ay Man City ka hadho tartanka champions Legaue maadama ay Girona ka sarayn doonto City dhinaca qiimaynta.

City ayaa lagu qasbi karaa inay hoos u dhigto saamiga ay ku leedahay Girona haddii ay labadooduba u soo baxaan Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga