Mohamed Salah Oo Taariikh Sameeyay Kulankii Man United Inkasta Oo Kooxdiisa Laga Badiyay.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa jabiyay rikoorka gooldhalinta kulankii ay guuldarada 4-3 ah ka soo gaartay Manchester United Axadii kulan ka tirsanaa wareega 8da ee FA Cup.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa guuldaro kala kulantay kulan la kala dhaliyay 7 gool inkasta oo ay 2 jeer hogaanka u qabteen ciyaarta kulan ka dhacay Old Trafford.

Kadib markii 10 daqiiqo gudohood looga dhaliyay gool Liverpool ayaa dhalisay 2 gool oo deg-deg ah ka hor dhamaadkii qaybta hore ee ciyaarta.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa qka hor intii ayna dhamaan qaybta hore ee ciyaarta.

Inkasta oo kooxdiisa Laga badiyay Salah ayaa wali ku guuleystey in uu abuuro taariikh isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay ee shan kulan oo xiriir ah gool ka dhaliya Old Trafford.

Laacibka reer Masar ayaa ku bilaabay rikoodhkaas laba gool oo uu ka dhaliyay Man United kulan ka tirsanaa FA Cup-ka bishii January ee sanadkii 2021.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga