Barcelona Oo Doonaysa In Ay Samayso Wax Ay Napoli Ku Samaysay 2020.

Fiidnimada Arbacada kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda reer Talyaani ee Napoli lugta hore ee wareega 16-ka champions League.

Barcelona ayaa kulankan iyada oo rajaynaysa in ay gaadho natiijo wax ku ool ah oo ka caawin doonta kulanka lugta 2-aad halka Napoli oo iyada iyo tababaraheeda cusub ay doonayso in ay gaadhaan guulo.

Barcelona ayaa Napoli ku wajahday kaliya labo jeer Champions League, labaduba waxay ahaayeen wareega 16-ka champions league xilli ciyaareedkii 2019-2020.

Kulankii hore ee ka dhacay Napoli waxa uu ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah laakiin kooxda Barcelona ayaa badisay lugta 2-aad ee wakhtigaas iyaga oo iska xaadiriyay wareega xiga.

Barcelona waxa ay rajaynaysaa in ay ku celiso xaaladii xilli ciyaareedka 2019-2020 iyaga oo u soo baxay wareega 8 dhamaadka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga