Ancelotti Iyo Guardiola Oo Ka Fal Celiyay Isku Aadka 8 Dhamaadka Champions League.

Waxa socda fal celinta isku aadka wareega 8 dhamaadka champions League oo maanta la sameeyay.

Isku aadka ayay ka soo bexeen kulamo xiiso iyo xamaasad leh oo si weyn loo sugi doono.

Mid ka mid ah isku aadka ayaa ah kulan dhexmari doona kooxaha Man City iyo Real Madrid.

Ancelotti: “Waxba kama qabo haddii ay ka walwalsan yihiin Man City isku aadka ka dib! Waxaan nahay rajo, ma walwalin, waxaan ku ciyaari doonaa kalsooni buuxda”.

“Hal sano ayaanu ku guuleysanay, sanadka soo socda iyaga ayaa lahaa aan eegno sanadkan”ayuu sii raaciyay.

Guardiola:”Waxay u egtahay in yar oo caado ah, saddex sano oo isku xigta oo la ciyaarayo boqorrada tartanka!”.

“Waxaan rajeyneynaa inaan ku jirno wakhti fiican marka aan la ciyaarayno Lugta labaad ee garoonkeena, waa waxa ay tahay…”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga