“Cabsi, Cabsi”:-Thomas Muller Oo Fariin U Diray Arsenal Kadib Isku Aadkii Champions League

Thomas Muller ayaa digniin u diray ciyaaryahan Arsenal ah ka dib markii Gunners ay ku aaday Bayern Munich wareega 8 dhamaadka champions League.

Arsenal ayaa marti galin doonta Bayern lugta hore ee kulanka, iyadoo xiddigii hore ee Tottenham Harry Kane uu ku soo laaban doona waqooyiga London markii ugu horeysay tan iyo markii uu xagaagii u dhaqaaqay Bundesliga.

Markii isku aadka lagu soo gabagabeeyay xarunta UEFA ee Nyom, weeraryahanka Bayern Muller ayaa baraha bulshada ugu yeeray xiddiga Arsenal iyo saaxiibkii Germany ee Kai Havertz.

Muller ayaa yiri: “Waa Arsenal, Kai Havertz, saaxiibkay, waan ku sugayaa”.

“Waa isku aad fiican laba kooxood oo aad u fiican, laba garoon oo aad u fiican, laba magaalo oo aad u fiican”.

“Waxa uu noqon doonaa kulan adag laakiin kulan fiican, wan is arki doonaa Gunners”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga