“Wan Cun Karnaa Liverpool”:-Xiddig U Ciyaara Man United Oo Digniin Tii Ugu Dambaysay U Diray Liverpool Ka Hor Kulankooda Axada.

Mid ka mid ah xiddigaha Manchester United ayaa uga digay Liverpool inay ‘cuni karaan’ kulanka FA Cup-ka.

United iyo kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool ayaa Axada isaga hor iman doona garoonka Old Trafford kulan ka tirsan wareega 8 dhamaadka FA Cup-ka.

Kooxda Erik ten Hag ayaa u baahan guul si ay sii noolayso rajadooda ku guulaysiga koob xilli ciyaareedkan halka ay Liverpool wali ku sii socoto wadadii ay ku qaadi lahayd afar laab.

Kulankii ugu dambeeyay ee labada dhinac ku dhex maray garoonka Anfield bishii December ayaa ku dhamaaday gool la’aan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee United Sofyan Amrabat ayaa uga digay Liverpool inay dhibaato kala kulmi doonto Kulanka Old Trafford.

“Sida aad sheegtay, guulayso ama ha lagaa guulaysto ama wax cun ama ha lagu cuno”ayuu Xiddiga amaahda kula jooga Man United.

“Marka waa inaan diyaar u noqonaa, waa inaan diyaargarownaa, waxay ahayd sidaan idhi, jiidashada waa mid xoogan, laakiin waxay rabaan inay guuleystaan, waxaana dooneynaa inaan guuleysano”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga