Alexander-Arnold Oo Shaaciyey Sababta Uu Virgil van Dijk Ugu Cadhaysan Yahay

Xiddiga Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa qirtay in kabtanka kooxdiisa ee Virgil van Dijk aanu ku faraxsanayn oo uu u cadhaysan yahay kaddib guushii soo-laabashada ahayd ee ay Axaddii shalay ka gaadheen Fulham, taas oo ay ku garaaceen 4-3

Trent Alexander-Arnold ayaa dhaliyey goolka guusha daqiiqaddii 88aad, iyadoo Wataru Endo uu Liverpool u keenay barbarraha daqiiqaddii 87aad, ka hor intii aanay ciyaartoyda Reds u dabbaal-degin goolka guusha ee difaaca midig ee reer England uu keenay.

Alexander-Arnold ayaa markii uu goolka dhaliyey waxa uu ku orday jilbaha, kaddibna beerka ayuu u jiibsaday, iyadoo ciyaartoyda kooxdiisuna ay sidoo kale jilbaha ku ordeen oo ay isaga isku dul-tuureen, laakiin waxa arrintan aan jeclaysanin Van Dijk.

Sababta uu difaaca reer Netherlands arrintan u diiday ayaa ahayd, in Trent Alexander-Arnold  ay jilibuhu xoodheen oo ay nabarro soo gaadheen waqtigii uu dabbaal-degga samaynayay, waxaana isaga oo dhacdada sharraxaya uu yidhi: “Waxay ila tahay in aad arki karaysaan sida aanu u dabbaal-degnay iyo macnaha ay noo lahayd guushani.

“Waxa jilibkayga ka qaadmay diirka, mana doonaynin in aan halis is-geliyo oo aan jilibka ku ordo, wixii dambena waa in aan ka taxadaro. Waad arki karayseen dareenka farxadeed iyo macnaha ay guushani u lahayd ciyaartoyda iyo taageereyaasha.:

Intaas kaddib ayuu Trent Alexander-Arnold ka hadlay sababta uu Van Dijk ugu cadhaysan yahay, waxaanu yidhi: “Isagana waxa go’ay jilbaha oo ay nabarro ka gaadheen, sababtoo ah waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu jilbaha ku ordo. Qof isaga oo kale ah oo deggen oo haddana jilbaha isku tuuray waxay muujinaysaa sida ay guushu ugu weynayd kooxda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga