RASMI: Dani Carvajal Oo Illaa Sannadka 2024 Ka Maqnaanaya Garoomada

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xaqiijisay, in dhaawac muruqa ah uu soo gaadhay difaaca midig ee reer Spain ee Dani Carvajal oo ay uga dhamaatay inta ka hadhay sannadkan 2023 oo aanu mar dambe u ciyaari doonin, waxaana la filayaa in uu kooxdiisa kusoo laaban doono tartanka Sucuudiga ee Spainish Super Cup.

31 jirkan ayaa dhaawac kaga baxay ciyaartii Granada ee Sabtidii oo waqtigii nasashada lagu beddelay Lucas Vazquez, waxaana uu dhaawaciisu qaadan doonaa saddex illaa afar usbuuc.

Los Blancos oo ay hore uga maqnaayeen dersin ciyaartooyo ah oo dhaawac u jiifa, sida Thibaut Courtois, Eder Militao, Aurelien Tchouameni, Vinicius Junior, Luka Modric, Eduardo Camavinga iyo Arda Guler, ayaa waxa maqnaanshaha Dani Carvajal ay ku noqon doonaa dhibaato weyn maadaama uu laacibkani ku jiray qaab fiican oo uu qayb weyn ka ahaa guulaha ay kooxdiisu kasoo hoynaysay garoomada.

Baadhitaanno maanta lagu sameeyey, ayaa xaqiijiyey, in Dani Carvajal uu muruqa lugta bidix ka dhaawacmay, sidoo kalena waxa ay waxyeello kasoo gaadhay dhabarka oo dhinaca midig ah.

Wariyaha ciyaaraha ee Jose Luis Sanchez ayaa sheegay, in waqtiga ugu horreeya ee Dani Carvajal uu u ciyaari karayo Real Madrid ay tahay January 10 oo ay waddanka Sucuudiga ku kulmi doonaan Atletico Madrid wareegga semi-finalka Spanish Super Cup.

Dani Carvajal ayaa Real Madrid u saftay 17 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah xilli-ciyaareedkan, waxaanu u dhaliyey hal gool iyo laba kale oo uu caawiyey.

Kulamada la filayo inuu ka maqnaado ayaa ah Real Betis, Union Berlin, Villarreal, Deportivo Alaves iyo Real Mallorca, waxaana booska difaaca midig ee uu tababare Carlo Ancelotti u isticmaali doonaa Lucas Vazquez iyo Nacho Fernandez, halka da’yarka Vinicius Tobias oo da’yarta u dheela uu yahay dookh fiican oo kooxda koowaad loosoo dallacsiin karayo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga