“Waan Sii Socdaa, Waxaan Rumaynayaa Riyadayda – Macasalaama…” – Xiddigii Ay Sugaysay Barcelona Oo Diyaaradda Raacay

Garoonka dhaxdiisa ayuu gacanta ugu haadiyey taageereyaasha, waxaana uu sidoo kale xabbadka geliyey ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka oo uu si buuxda u macasalaameeyey. Waxa uu u sheegay inuu soo dhamaaday waqtigii ay isku kooxda ahaayeen oo uu sidaa kaga tegay, isla markaana raacayo dariiqii uu ku rumayn lahaa riyadiisa.

Tababaraha, ciyaartoyda iyo taageereyaashuba way sagootiyeen, isaguna waxa uu hortegay saxaafadda si intii aan garoonka joogin ee taageereyaasha kooxdiisa ah uu markii ugu dambaysay u macasalaameeyo.

Ciyaartoyga sidan sameeyey waa weeraryahanka reer Brazil ee Vitor Roque oo xalay usoo xidh-xidhay inuu usoo duulo waddanka Spain oo uu bisha January kaga biirayo kooxdiisa cusub ee Barcelona.

Vitor Roque ayaa waxa uu xalay si rasmi ah usoo sagootiyey ciyaartoyda kooxdiisa Athletico Paranaense kaddib markii la ciyaaray kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka waddanka Brazil ee xilli-ciayareedka oo hadda u dhamaaday.

Weeraryahankan 18 jirka ah ayaa kooxdiisa ka caawiyey in ay guul kusoo xidhato xilli-ciyaareedka, waxaanay xalay 3-0 ku karbaasheen Santos, waxaana uu laacibkani markii ay ciyaartu dhamaatay shaaciyey in uu soo dhamaaday waqtigiisii Athletico Paranaense.

“Waxa aan ku faraxsanahay wax kasta oo noloshayda isoo maray.” Ayuu Vitor Roque ku bilaabay waraysi uu siiyey Sport, waxaanu ku daray: “Riyadaydu waxay mar walba ahayd in aan ka ciyaaro Yurub oo aan awoodo in aan u dheelo koox weyn sida Barcelona oo ay ciyaartooyo badan oo reer Brazil ah usoo dheeleen.

“Waxa aan isku dayayaa in aan u shaqeeyo sida ugu adag ee suurtogalka ah si aan Barcelona ula imaaddo kartidayda ugu badan, taas oo fure u ah guusha. Haddii aan sidaa sameeyo, waxa aan hubaa in wax walba ay si fiican iigu shaqayn doonaan Barca.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga