Alan Shearer Oo Magacaabay Halka Arin Oo Man City Dheertay Arsenal Tartanka Horyaalka Premier League.

Halyeeyga Premier League ee Alan Shearer ayaa sheegay halka Arin ee ay Man City dheertay Arsenal tartanka horyaalka premier League.

“Arsenal waa koox todobaad hesha natiijo fiican laakiin todobaadka xiga aad u malaynaysid in ay fursadooda tartanka horyaalku dhimatay”.

“Laakiin Man City muddo dheer ayay joogeen heerka ugu sareeya mana bar-bar dhigi kartid Arsenal xitaa marka ayna si fiican u ciyaarayn”.

“Man City ma khal-khasho marka ayna si fiican u ciyaarayn sidii ku dhacday Arsenal xilli ciyaareedkii hore”.

“Sidaas darteed waxa ay dareemayaan cadaadis wixii dhacay xilli ciyaareedkii hore, Man City way xamili kartaa cadaadiska laakiin Arsenal ma awoodo arintaas waana halka arin ee ay Man City dheertay Arsenal”.

Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 1-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League kadib 26 kulan oo ay ciyaartay,waxana ay leedahay 60 dhibcood,waxana ku soo xigta Man City oo ku jirta kaalinta labaad (59 dhibcood)halka kooxda Arsenal ay ku jirto kaalinta saddexaad (58 dhibcood).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga