Wakhtiga Ay Man United Iyo Liverpool Wada Ciyaari Doonaan Kulanka 8 Dhamaadka FA Cup-ka Oo La Ogaaday.

Waqtiyo xiiso leh ayaa soo socda taageerayaasha kubada cagta iyadoo Liverpool ay isku diyaarineyso inay wajahdo kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United, wareega 8da ee FA Cup.

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisatay booskeeda ka dib markii ay ka badisay Southampton ka dib markii ay 3-0 kaga badisay garoonka Anfield.

Labada da’yar ee Lewis Koumas iyo Jayden Danns ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul xilli caruurta Klopp sii wadaan wacdaraha ay dhigayaan.

Guushaan ayaa u gogol xaareysay in Liverpool ay u soo baxdo wareega 8-da, waxaana ay ku aaday kooxda Man United.

Kulankaas ayaa ka dhici doona garoonka Old Trafford iyada oo labada kooxood wada ciyaari doonaan todobaadka bisha March kuna beegan 16 ama 17 bisha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga