Gundogan Oo Dhigay Rikoodh Aan Horay Looga Arag Horyaalada Waaweyn.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Ilkay Gundogan ayaa rikoor aan horay loo arag ka dhigay xirfadiisa kubadda cagta shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub.

Barcelona ayaa la ciyaartay kooxda Deportivo Alaves, ciyaartan oo hadda ka socota garoonka Mendezorroza Stadium, taasoo qayb ka ah wareegga 23-aad ee horyaalka La Liga.

Gundogan ayaa daqiiqadii 22-aad ku guulaystay in uu Caawiye ka noqdo goolka 1-aad ee kooxdiisa Barcelona isaga oo xiddiga Robert Lewandowski ka caawiyay in uu dhaliyo goolka.

Sida laga soo xigtay Opta xiddiga Ilkay Gundogan ayaa caawiye ka ahaa 9 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan Barcelona.

Shabakadda caalamiga ah ayaa sharraxday inay tahay rikoorkii ugu fiicnaa ee xiddiga hal xilli ciyaareed oo xirfadiisa kubadda cagta ah intii uu ka ciyaarayay 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub.

Waxaa xusid mudan in 33-sano jirkaan uu ka qeyb qaatay 14 gool inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 5 gool, isagoo caawiyay 9 kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga