Xulka qaranka Somaliya ayaa bar-baro la galay xulka Eswatini kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee is reeb-reebka hordhaca ah ee koobka Africa 2025.
Xulka Somaliya ayaa kulanka soo galay iyada oo 2/0 looga badiyay lugtii hore ee tartanka ee is reeb-reebka hordhaca ah ee koobka Africa 2025.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 0/0 ah iyada oo ayna labada xul wax gool ah kala dhalin inkasta oo ay fursado badan sameeyeen labada xul.
ciyaarta qaybteeda dambe ayay labada xul si dar-dar leh ku bilowdeen iyaga oo doonayay in ay mid walba ciyaarta hogaanka u dhiibto.
Xulka qaranka Eswatini Ayaa laba gool oo deg-deg ah dhaliyay iyaga oo hogaanka u qabtay ciyaarta iyaga oo mooday in ay ciyaarta dileen.
Laakiin xulka Somaliya ayaan is dhiibin waxana ay bilaabeen in ay ciyaarta ku soo laabtaan iyaga oo fursado samaynayay.
Daqiiqadii 77-aad ayuu Xulka Somaliya dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Awad kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Xulka Somaliya ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen fursadaha ay doonayeen in ay ku raadiyaan goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan.
Xiddiga Ahmed Yusuf ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee xulka Somaliya isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/2 ay labada xul bar-baro ku yihiin.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Somaliya bar-baro ku macasalaameeyay is reeb-reebka hordhaca ah ee koobka Africa 2025.
Be the first to comment