Liverpool Oo Loo Sheegay Badalka Jurgen Klopp.

Liverpool ayaa loo sheegay in ay keento tababaraha Xulka qaranka England ee Gareth Southgate si uu Jurgen Klopp uga badalo booska tababaranimo xagaaga sida uu qabo daafacii hore ee Reds iyo England.

Bishii January, Tababaraha reer Germany ayaa ku dhawaaqay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib 9 sano oo uu joogay kooxda waxana la hadal hayaa cida badali doonta.

Southgate ayaa loo xilsaaray inuu hogaamiyo saddexda libaax inta lagu guda jiro Euro 2024 bilaha June iyo July, laakiin 53-sano jirkaan ayuu shaku ku jiraa mustaqbalkiisa xulka qaranka waxana laga yaabaa in uu isaga tago kadib dhamaadka Euro 2024.

Daaficii hore ee Glen Johnson oo 200 kulan u saftay Liverpool una saftay 54 kulan oo England ah ayaa waraysi cusub oo uu bixiyay kaga hadlay mustaqbalka Southgate.

Johnson ayaa u sheegay Betfred: “Waa arin aad u xun in laga hadlo mustaqbalkiisa ka hor tartan weyn”.

“Laakiin hadii uu isaga tagayo xulka England xagaaga waa dookh ay tahay in ay Liverpool u dhaqaaqdo si ay ugu badasho Klopp sababta oo ah waa tababare weyn oo maamuli kara xiddigaha magaca leh”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga