Xulka Nigeria Oo Garaacay Xulka Angola Iskana Xaadiriyay Semi-Final-ka Koobka Africa

Xulka qaranka Nigeria ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhigooda Angola kulan ka tirsan wareega 8da ee koobka qaramada Afrika ee ka socda dalka Côte d’Ivoire, iyaga oo ku badiyay 1/0.

Ciyaaryahan Ademola Lookman ayaa daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta ku guuleestay in uu gool u dhaliyo Nigeria.

Xulka Nigeria ayaa qaybta hore ee ciyaarta ku dhamaystay 1/0 ay ku hogaaminayaan ciyaarta.

Xulka qaranka Angola ayaa daqiiqadii 59-aad ku dhawaaday inay barbareeyaan ciyaarta laakiin taasi ma dhicin.

Guushaas ayaa xulka Nigeria waxa ay ka caawisay in ay iska xaadiriyaan wareega Semi-final-ka tartanka koobka Africa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga