Stefano Pioli Oo Ka Fal Celiyay Wararka Antonio Conte La Xidhiidhinaya Ac Milan.

Tababaraha Kooxda Ac Milan ee Stefano Pioli ayaa ka hadlay wararka Antonio Conte la xidhiidhinaya kooxda Ac Milan.

Conte ayaa maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay in uu qaban doono shaqada tababaranimo ee kooxda Milan xilli ciyaareedka dambe.

Stefano Pioli ayaa ka hadlay wararkaas ka hor kulanka ay Ac Milan wajahayso kooxda Frosinone horyaalka Talyaaniag.

Stefano Pioli ayaa sheegay in ayna wax dhib ah ku hayn wararka conte la xidhiidhinaya kooxda Ac Milan.

“Ima dhibayso arntaas, waxa laga yaabaa in aan ka caajisay arintaas laakiin maanta waa sida ay kubadu u shaqayso”ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

“Waxa muhiimka ah ayaa ah in ciyaartoyda kubbadda cagta iyo anigu aan dooneyno inaan sameyno waxa ugu fiican ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga