Xulka Argentina Oo Guul Weyn Ku Bilowday Koobka Adduunka, Algeria Ayay Xasuuqeen

Xulka qaranka Argentina ayaa si heer sare ah ku billowday difaacashada horyaalnimada Koobka Adduunka, kadib markii ay 3-0 ku garaaceen dhiggooda Algeria kulankii ugu horreeyay ee Group 10 ee Koobka Adduunka 2026.

 

Kabtanka Argentina, Lionel Messi, ayaa markale noqday xiddiga ugu muuqday ciyaarta, isagoo dhaliyay saddexley (hat-trick) uu ku hoggaamiyay “La Albiceleste” inay helaan saddexdii dhibcood ee ugu horreysay tartanka.

Saddexleydaas ayaa sidoo kale Messi u suuragelisay inuu la simo Miroslav Klose rikoodhka gooldhalinta taariikhda Koobka Adduunka, iyadoo labaduba hadda leeyihiin 16 gool.

Argentina ayaa si xooggan ku bilaabatay ciyaarta, waxaana goolka furitaanka u dhaliyay Messi daqiiqaddii 17-aad kadib caawin uu ka helay Rodrigo De Paul. Qaybtii hore ayaana lagu soo gabagabeeyay 1-0 oo ay hoggaanka ku haysay Argentina.

Qaybtii labaad, xulka uu tababaro Lionel Scaloni ayaa sii waday cadaadiska, waxaana Messi dhaliyay goolkiisii labaad daqiiqaddii 60-aad, isagoo sii xoojiyay hoggaanka kooxdiisa.

Scaloni ayaa sameeyay beddello dhowr ah si uu u xoojiyo safkiisa, ka hor inta aanu Messi dhammaystirin saddexleydiisa daqiiqaddii 76-aad kadib baas uu ka helay Nicolas Gonzalez, taas oo xaqiijisay guul raaxo leh oo 3-0 ah.

Dhinaca Algeria, xulka ayaa ku adkaatay inay la jaanqaadaan xawaaraha horyaalka adduunka. Tababare Vladimir Petkovic ayaa soo geliyay ciyaartoy ay ka mid yihiin Houssem Aouar, Mohamed Amine Amoura iyo Riyad Mahrez, balse wax saamayn ah kuma yeelan natiijada ciyaarta.

Tirakoobka ciyaarta ayaa muujiyay in Argentina ay lahayd 10 laad oo goolka loo tuuray, halka Algeria ay lahayd 7. Argentina waxay beegsatay 6 laad oo goolka dhexdiisa ah, halka Algeria aysan hal laad oo sax ah toona ku tuurin goolka.

Boqolleyda kubbad-haysashada Algeria waxay ahayd 52%, halka Argentina ay lahayd 48%, balse waxtarka weerarka ayaa si weyn ugu janjeeray Argentina. Sidoo kale, fursadaha goolasha la filayay (xG) waxay ahaayeen 1.23 oo Argentina ah marka loo eego 0.31 oo Algeria ah.

Guushan ayaa fariin adag u dirtay kooxaha kale ee tartanka ka qaybgalaya, halka Algeria lagu qasbanaan doono inay si degdeg ah u saxdo khaladaadkeeda labada kulan ee soo socda si ay u sii noolaato rajada ay ka qabto u gudubka wareegga labaad ee Koobka Adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga