DEG DEG + RASMI:- Laacibka Barcelona oo qalinka ku duugay heshiis waqti dheer oo gaaraya ila 2030…

Xiddiga da’da yar ee reer Masar, Hamza Abdelkarim, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay qandaraaskiisa cusub ee kooxda Barcelona, Hamza ayaa qandaraaska cusub ku saxiixay xafiiska Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, iyadoo tallaabadan ay kooxda ugu xaqiijinayso mustaqbalkiisa sannadaha soo socda, Barcelona ayaa Jimcihii hore ku dhawaaqday inay Hamza u kordhisay qandaraaska muddo 4 sano ah, taasoo ka dhigan inuu kooxda sii joogi doono ilaa sanadka 2030.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Barcelona ay sare u qaaday qiimaha qodobka fasaxa qandaraaskiisa, kaasoo markii hore ahaa €15 milyan, loona kordhiyay ilaa €150 milyan, Hamza Abdelkarim ayaa markii hore Barcelona ugu biiray amaah kaga yimid Al Ahly bishii Febraayo ee sanadkan.

Kadib markii uu kooxda ku qanciyay, Barcelona ayaa bishii June dhaqaajisay qodobkii ay si joogto ah ugu iibsan lahayd, waxaana ciyaaryahanka loo beddelay xubin rasmi ah oo ka tirsan kooxda, Markaas qandaraaskiisu wuxuu socday ilaa 2029, laakiin Barcelona ayaa hadda hal sano kale ugu dartay, iyadoo heshiiska cusub uu gaarsiinayo ilaa 2030.

Hamza ayaa si weyn u soo jiitay indhaha tababaraha Barcelona Hans Flick intii lagu jiray diyaar-garowgii xilli ciyaareedka 2026/27, Ciyaaryahanka reer Masar ayaa noqday gooldhaliyihii ugu sarreeyay Barcelona intii lagu jiray ciyaarihii diyaar-garowga, isagoo dhaliyay 4 gool, Waxqabadkiisa ayaa Flick ku qanciyay, waxaana loo daray liiska kooxda koowaad ee Barcelona ee ciyaaraha La Liga, Intaa waxaa dheer, Hamza waxaa sidoo kale lagu daray liiska Barcelona ee marxaladda horyaalka Champions League, taasoo ah tallaabo weyn oo uu qaaday ciyaaryahanka da’da yar.

Go’aanka Barcelona ee qandaraaska cusub ma ahayn oo keliya in muddo dheer la sii haysto Hamza, Kooxdu waxay sidoo kale kor u qaaday qodobka fasaxa ilaa €150 milyan, si ay uga hortagto in kooxaha kale ee waaweyn ee Yurub ay si fudud ula wareegaan ciyaaryahanka.

Sidaas darteed, Hamza Abdelkarim ayaa hadda si rasmi ah u sii ahaanaya ciyaaryahan Barcelona ah ilaa 2030, iyadoo kooxda Catalan ay si cad u muujisay inay mustaqbalka fog ku kalsoon tahay weeraryahanka reer Masar.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga