Weeraryahanka Barcelona, Gabriel Jesus, ayaa si cad u sheegay in saaxiibkiis kooxda Lamine Yamal uu u qalmo inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or 2026, isagoo si weyn u amaanay tayada xiddiga reer Spain.
Gabriel Jesus, oo Barcelona ugu soo biiray xagaagii 2026 isagoo kasoo tagay Arsenal, ayaa sheegay inuu fursad u helay inuu tababar iyo ciyaarba la sameeyo ciyaartoy badan oo heer sare ah, balse Lamine Yamal uu si gaar ah uga mid yahay kuwa ugu sarreeya, Jesus ayaa yiri in waxa uu Yamal garoonka ku sameeyo ay u muuqdaan kuwo aad u fudud, inkastoo ay dhab ahaantii yihiin waxyaabo u baahan tayo iyo xirfad gaar ah.
Markii si toos ah loo weydiiyay haddii Yamal uu mudan yahay Ballon d’Or, Jesus wuxuu ku jawaabay: “Haa, shaki la’aan, Marka la eego heerkiisa iyo wixii uu qabtay xilli ciyaareedkan, wuxuu u qalmaa inuu noqdo musharrax ku guuleysta.” Yamal ayaa kamid ah 30-ka ciyaaryahan ee loo magacaabay Ballon d’Or 2026, iyadoo tartanka sanadkan uu yahay mid aad u adag.
Gabriel Jesus ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay saaxiibkiis reer Brazil ee Raphinha, isagoo sheegay inuu si heer sare ah uga shaqeynayo booska weeraryahanka dhexe, isla markaana uu leeyahay awood uu kaga ciyaari karo booskaas, Wuxuu sheegay in waxa Raphinha hadda sameynayo aysan isaga la yaab ku ahayn, maadaama uu horey ula soo ciyaaray xulka Brazil bilowgii xirfadda Raphinha.
“Waxa Raphinha sameynayo igama yaabin. Waxaan la soo joogay bilowgiisii xulka qaranka, waxaana mar walba jeclaa awooddiisa dhameystirka, xoogga kubbadaha uu laado iyo tayadiisa farsamo”, Jesus ayaa sheegay in Raphinha uu leeyahay awood uu si wanaagsan ugu dribble-gareeyo, fursadaha u beddelo goolal, isla markaana uu heer sare ka ciyaari karo boosas kala duwan.
Wuxuu intaas ku daray inuu horey u filayay in Raphinha uu bandhig fiican sameyn doono, ha ahaado weeraryahan dhexe, garabka midig, garabka bidix ama ciyaaryahan ka dambeeya weeraryahanka, Ugu dambeyn, markii la weydiiyay inuu isagu yahay ciyaaryahan joogto uga mid ah shaxda Barcelona, Gabriel Jesus wuxuu sheegay in xilli ciyaareedku uu weli dheer yahay, isla markaana uu heli doono fursado badan oo uu ku ciyaaro.
Be the first to comment