HORDHACA Tottenham iyo Liverpool oo Fooda isku daraya Carabao Cup – Waqtiga ……….

Tottenham Hotspur ayaa caawa booqanaysa Liverpool, iyadoo labada kooxood ay isku wajahayaan wareegga 32-ka ee Carabao Cup 2026/27.

Kulanka ayaa lagu ciyaarayaa garoonka Anfield, waxaana Tottenham hoggaaminaya tababare Roberto De Zerbi, iyadoo kooxda London ay doonayso inay ka gudubto xaaladda adag ee ay ku jirto.

Tottenham ayaa Premier League si liidata ku bilaabatay, iyadoo afartii kulan ee ugu horreeyay horyaalka ka heshay 2 dhibcood oo keliya, kaddib laba barbaro oo 0-0 ah, iyadoo aan weli wax gool ah dhalin.

Dhanka kale, Liverpool ayaa kulankeedii ugu dambeeyay ee Premier League barbaro 0-0 ah la gashay Fulham. Reds ayaa horyaalka ilaa hadda gaartay hal guul iyo saddex barbaro.

Indhaha ayaa sidoo kale lagu hayaa xiddiga reer Masar Omar Marmoush, kaasoo Tottenham ugu biiray xagaagan amaah uga yimid Manchester City, isla markaana doonaya inuu caawa dhaliyo goolkiisii ugu horreeyay ee Tottenham.

 Waqtiga ciyaarta

10:00 habeenimo – waqtiga Soomaaliya, Kenya iyo Saudi Arabia.

Kanaalka laga daawanayo

Kulanka waxaa si toos ah looga daawanayaa:

beIN Sports HD 3

Tabiyaha

Kulanka waxaa si toos ah uga faalloon doona Cali Maxamed Cali.

Liverpool iyo Tottenham ayaa sidaas darteed u dagaallami doona booska wareegga xiga, iyadoo labada kooxoodba ay doonayaan inay koobka Carabao Cup ku bilaabaan guul.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga