Xulk jordan Oo Garaacay Xulka South Korea Iskana Xaadiriyay Final-ka Koobka Asia.

Xulka qaranka Jordan ayaa guul qaali ah ka gaaray dhigooda South Korea kulan ka tirsan semi-finalka koobka Asia kaasoo ay martigelineyso Qatar.

Xulka Jordan ayaa bilowgii daqiiqadii 4-aad bilaabay in uu halis galiyo goolka Korea-da kadib markii uu meel ka baxsan dilinta ganaaxa ka toogtay goolka.

Ciyaaryahan Yazan Al-Naimat ayaa daqiiqadii 53-aad u dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib baas uu ka helay saaxiibkiis Musa Al-Taamari.

Moussa ayaa daqiiqadii 66-aad hogaanka u dheereeyay xulkiisa kadib farsamo cajiib ah oo uu ku dhaafay daaca xulka South Korea.

Xulka Korea ayaa dhaliyay gool laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo uu xulka Jordan isaga xaadiriyay Final-ka tartanka Koobka Asia.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga