Xiriirka Arjentiin oo war deg deg ah kasoo saaray Messi & go’aan culus oo soo baxay

Xiriirka Kubadda Cagta Argentina ayaa qaaday tallaabo gaar ah oo lagu sharfayo halyeeyga qaranka Lionel Messi, kadib markii uu ku dhawaaqay inuu soo afjaray ciyaaraha heerka caalamiga ah.

Messi ayaa xulka Argentina u soo ciyaaray in ka badan 20 sano, waxaana uu la gaaray guulo waaweyn oo ay ka mid yihiin Koobka Adduunka iyo koobab kale oo waaweyn.

Sida lagu sheegay warbixinta, dhammaan kulamada kubadda cagta ee ka dhacaya Argentina dhammaadka toddobaadkan, heer kasta iyo tartan kasta, ayaa la joojin doonaa marka ay ciyaartu gaarto daqiiqadda 10-aad, kulanka ayaa istaagi doona hal daqiiqo, iyadoo ciyaartoyda, tababarayaasha iyo taageerayaashuba sacab ugu muujin doonaan Messi qadarin iyo maamuus.

Daqiiqadda 10-aad waxaa loo doortay maadaama Messi inta badan xirnaa lambarka 10-aad, kaasoo noqday astaan si weyn ula xiriirta magaciisa, Intii uu xulka la joogay Messi wuxuu Argentina kula guuleystay koobab waaweyn, waxaana ugu muhiimsanaa:

🏆 Koobka Adduunka 2026
🏆 Copa América – 2 jeer
🏆 Finalissima
🏆 Koobka Adduunka U-20
🥇 Biladda Dahabka Olombikada Beijing

Sidoo kale, Messi wuxuu dhaliyay goolkiisii ugu dambeeyay ee xulka Argentina kulankii ay la ciyaareen Masar wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka, goolkaas oo ka caawiyay Argentina inay u gudubto wareegyada dambe.

Go’aanka lagu joojinayo dhammaan kulamada hal daqiiqo ayaa muujinaya heerka uu Messi kaga jiro taariikhda kubadda cagta Argentina.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga