Sidee Mourinho uga dhigay Bellingham laacib qatar ah oo kooxaha ka baqaan & Qorshe cusub uu udejiyey

Tababaraha reer Portugal ee José Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu ku guuleystay inuu dib u soo nooleeyo awooddii weerarka ee xiddiga reer England Jude Bellingham, kaas oo mar kale noqday ciyaaryahan si weyn uga dhex muuqda weerarka Real Madrid bilowga xilli ciyaareedka 2026/27.

Bellingham ayaa ilaa hadda sameeyay waxqabad joogto ah, isagoo kulan kasta oo Real Madrid ah xilli ciyaareedkan ku lug yeeshay gool, ha ahaato inuu isagu dhaliyo ama uu caawiyo,  Xiddiga reer England ayaa gool ka dhaliyay Espanyol, halka kulankii Real Sociedad uu sameeyay laba caawimo, waxaana kulankii ugu dambeeyay ee ay Real Madrid 4-0 kaga adkaatay Málaga uu mar kale isku daray gool iyo caawimo.

Waxqabadkan ayaa dib u soo celinaya xusuusta Bellingham-kii cajiibka ahaa ee xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid 2023/24, markaas oo uu door weerar oo weyn ku lahaa kooxda, isla markaana uu si joogto ah uga qayb qaadanayay goolasha.

Sida ay sheegtay warbaahinta Spain, Mourinho ayaa si gaar ah diiradda u saaray sidii Bellingham looga xoreyn lahaa shaqooyinka difaaca ee culus ee uu qabtay xilli ciyaareedyadii hore, tababaraha reer Portugal ayaa fahamsan in awoodda ugu weyn ee Bellingham ay tahay inuu ka faa’iideysto boosaska weerarka, inuu kubadda hore u qaado iyo inuu gudaha xerada ganaaxa ka sameeyo khatar joogto ah.

Mourinho ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Bellingham ay bilowgii isla fahmeen in ciyaaryahanka aan loo baahnayn in lagu arko isagoo ku mashquulsan shaqo difaac oo aad u badan, gaar ahaan inuu dib ugu laabto boos u dhow daafaca bidix. Sidaas darteed, tababaraha ayaa isku dayaya inuu siiyo xorriyad dheeraad ah marka Real Madrid weerar ku jirto.

Arrintan ayaa muhiim u ah Bellingham, maadaama culayska difaac ee lagu saaray xilli ciyaareedyadii dambe uu saameyn ku yeeshay awooddiisa weerar,  Mourinho wuxuu u muuqdaa inuu doonayo in xiddiga reer England uu dib ugu laabto doorkii uu si weyn ugu ifay markii uu markii ugu horreysay yimid Santiago Bernabéu.

Inkasta oo Bellingham uusan si buuxda uga qayb qaadan diyaar-garowgii xilli ciyaareedka cusub, haddana Mourinho ayaa si degdeg ah uga faa’iideystay tayadiisa, Bellingham wuxuu ciyaaray kaliya 29 daqiiqo intii lagu jiray kulamadii diyaar-garowga, taas oo uu ku qaatay ciyaartii ay Real Madrid la ciyaartay Schalke ee dalka Jarmalka.

Habka Mourinho u isticmaalo khadka dhexe ayaa sidoo kale leh taariikh dheer. Tababaraha reer Portugal ayaa horey ugu guuleystay inuu ciyaartoyda khadka dhexe ka dhigo kuwo si weyn uga qayb qaata weerarka, tusaale ahaan, xilligii uu Porto maamulayay, wuxuu Deco siiyay xorriyad weerar oo badan, waxaana ciyaaryahanku sameeyay 10 caawimo xilli ciyaareedkii ay kooxda ku guuleysatay Champions League 2003/04.

Mourinho sidoo kale wuxuu Inter Milan ka sameeyay isbeddel la mid ah Wesley Sneijder xilli ciyaareedkii 2009/10. Tababaraha ayaa ciyaaryahanka reer Netherlands u adeegsaday qaab ka duwan kii markii dambe lagu arkay Real Madrid, waxaana Sneijder noqday mid ka mid ah xiddigihii ugu muhiimsanaa Inter xilli ciyaareedkii ay ku guuleysatay saddexda koob ee waaweyn.

Laakiin tusaalaha ugu weyn ee falsafaddan Mourinho waa Frank Lampard. Intii uu Chelsea joogay, Mourinho wuxuu Lampard ka dhigay khatar weerar oo joogto ah, waxaana xiddiga reer England uu dhaliyay ku dhowaad 71 gool intii uu ka hoos ciyaarayay tababaraha reer Portugal, Lampard wuxuu door muhiim ah ka qaatay kooxdii Chelsea ee ku guuleysatay Premier League laba jeer, 2005 iyo 2006.

Xilli ciyaareedkii 2006/07, Lampard wuxuu dhaliyay 21 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 21 caawimo, taasoo muujinaysa sida Mourinho u awoodo inuu ciyaaryahan khadka dhexe ah uga faa’iideysto dhinaca weerarka.

Hadda, Bellingham ayaa u muuqda inuu yahay mashruuca cusub ee Mourinho, Haddii tababaraha reer Portugal uu sii wado inuu ka xoreeyo waajibaadka difaaca ee culus isla markaana uu siiyo xorriyad uu ku weeraro, Real Madrid waxay heli kartaa Bellingham-kii weerarka ee lagu yaqaanay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga