RASMI:- Howgalkii nadiifinta oo socda & Barcelona oo kudhawaaqday Laacib katagay !

Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in khadka dhexe ee Mark Casadó uu kooxda ka tagayo, isagoo amaah ugu biiraya kooxda reer Spain ee Deportivo La Coruña, Casadó, oo 22 jir ah, ayaa Barcelona kaga tagaya amaah ilaa 30-ka Juun 2027, iyadoo heshiiska lagu daray qodob u oggolaanaya Deportivo La Coruña inay si rasmi ah ula wareegto ciyaaryahanka.

Sida uu sheegay wariye Fabrizio Romano, qodobka iibka ayaa lagu qiimeeyay €30 milyan, Casadó wuxuu Barcelona u saftay 75 kulan, isagoo dhaliyay hal gool isla markaana sameeyay 7 caawin.

Intii uu Barcelona joogay, wuxuu qayb ka noqday kooxdii ku guuleysatay koobab dhowr ah, waxaana ka mid ah:

🏆 2 La Liga — 2024/25 iyo 2025/26
🏆 Copa del Rey — 2024/25
🏆 2 Spanish Super Cup — 2024/25 iyo 2026

Bixitaanka Casadó ayaa qeyb ka ah isbeddellada iyo dhimista ciyaartoyda Barcelona ay waddo xagaagan, iyadoo kooxda ay horey u macasalaameysay ciyaartoy kale oo muhiim ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga