Manchester United ayaa guul weyn ka gaartay Ipswich Town, kadib markii ay 5–2 ku garaacday Old Trafford, kulankii 2-aad ee Premier League xilli ciyaareedkan.
Ipswich Town ayaa ciyaarta si xooggan ku bilaabatay, waxaana daqiiqaddii 29-aad gool u dhaliyay Leif Davis, taasoo Manchester United ka dhigtay inay ciyaarta 1–0 ku qabato.
United ayaa barbareysay daqiiqaddii 40-aad, waxaana goolka u dhaliyay kabtankooda Bruno Fernandes, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1–1.
Qeybtii labaad Manchester United ayaa si weyn u kacday, Daqiiqaddii 56-aad, Jacob Greaves ayaa si kama’ ah shabaqiisa u dhaliyay, taasoo United siisay hoggaanka 2–1.
Daqiiqaddii 61-aad, Bruno Fernandes ayaa mar kale shabaqa gaaray, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, waxaana United hoggaanka ku qabatay 3–1.
Daqiiqaddii 68-aad, Manchester United ayaa dhalisay goolkii afaraad, kaddib markii Dimmy Jire uu shabaqiisa iska dhaliyay, United ayaa sidaas ku gaartay 4–1, Bryan Mbeumo ayaa daqiiqaddii 82-aad dhaliyay goolka shanaad ee Manchester United.
Ipswich Town ayaa gool kale dhalisay daqiiqaddii 91-aad, waxaana u dhaliyay Chuba Akpom, laakiin waqtigu uma saamixin inay ciyaarta soo laabato, Manchester United ayaa sidaas ku heshay 3 dhibcood, iyadoo kulamadii hore ee Premier League laga soo bilaabay ay hadda leedahay 10 dhibcood, halka Ipswich Town ay leedahay 3 dhibcood.
Be the first to comment