Weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martínez ayaa ka hadlay wararkii dhawaan ku saabsanaa in Barcelona ay doonaysay inay la soo saxiixato intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga 2026, Barcelona ayaa xagaagan raadineysay weeraryahan cusub, iyadoo dadaal xooggan u gashay saxiixa Julián Álvarez ee Atlético Madrid. Markii ay xaaladda Álvarez adkaatay, magaca Lautaro ayaa sidoo kale lala xiriiriyay kooxda reer Catalonia.
Warbixinno kasoo baxay warbaahinta Spain ayaa sheegay in Barcelona ay ugu yaraan baaritaan ka samaysay xaaladda Lautaro, balse heshiis rasmi ah oo ay Inter ugu gudbisay weeraryahanka lama sameyn, Lautaro oo arrintan ka hadlay ayaa xaqiijiyay in xiriirka magaciisa iyo Barcelona uu jiray, isagoo sheegay:- “Wararka sheegaya in magacayga lala xiriiriyay Barcelona waa sax.”
Si kastaba, xiddiga Inter ayaa si cad u sheegay in uusan qorsheynayn inuu ka tago kooxda Milano, “Waxaan doonayaa inaan halkaan sii joogo Inter, Rabitaankayga keliya waa inaan sii joogo kooxdayda iyo saaxiibadayda,” ayuu yiri Lautaro.
Wuxuu sidoo kale muujiyay sida weyn ee uu ugu xiran yahay Inter, isagoo tilmaamay inuu jecel yahay kooxda, taageerayaasha iyo dadka ku hareeraysan.
Ugu dambeyn, Barcelona ma aysan helin Lautaro, sidoo kalena heshiis rasmi ah lama gaarin. Kooxda ayaa suuqa ku soo gabagabeysay xoojinta weerarkeeda iyadoo la soo wareegtay Gabriel Jesus, kaasoo qayb ka noqonaya qorshaha weerarka xilli ciyaareedka cusub, sidaas darteed, inkastoo Barcelona ay Lautaro xiisaynaysay, weeraryahanka Argentine-ka ayaa doortay inuu sii joogo Inter Milan, halka Barcelona ay waddo kale qaadday.
Be the first to comment