Daafaca da’da yar ee FC Barcelona, Pau Cubarsí, ayaa muujiyay in guusha kubbadda cagta aysan ka hor istaagin waxbarashada iyo noloshiisa gaarka ah, Cubarsí oo hadda 19 jir ah, ayaa durba sameystay taariikh cajiib ah isaga oo Barcelona iyo xulka Spain kula guuleystay koobab badan balse weli wuxuu si adag u ilaashaa jadwal u dhexeeya tababar, hurdo iyo waxbarasho.
Cubarsí ayaa sheegay in hurdadu ay muhiim u tahay isaga, isagoo yiri: “Hurdo badan ayaan jeclahay, waxaan seexdaa 9 saacadood, subaxiina waan tababartaa.”
Marka uu tababarka ka soo laabto, wuxuu waqtigiisa gelinayaa waxbarashada, daafaca Barcelona wuxuu sanadkii 2025 bilaabay inuu barto Maamulka Ganacsiga (Business Administration) si uu u qaato shahaadada jaamacadda, wuxuu sheegay in inta badan 3-da galabnimo ilaa 8-da fiidnimo uu ku qaato waxbarashada, marka laga reebo maalmaha ay Barcelona ciyaareyso kulamada Champions League.
Inkasta oo uu leeyahay nidaam cunto oo ciyaaryahan xirfadle ah, Cubarsí ma diidana inuu mararka qaar naftiisa abaalmariyo, Wuxuu sheegay:- “Ciyaar kasta oo aan si fiican u ciyaaro kadib, waxaan naftayda ku abaalmariyaa burger.”
Taasi waxay muujinaysaa in ciyaaryahanku isku dayayo inuu helo dheelitir u dhexeeya nolol caafimaad leh iyo inuu mararka qaar naftiisa raalli geliyo.
Cubarsí sidoo kale wuxuu sheegay inuusan si weyn ugu mashquulin faallooyinka dadka ee baraha bulshada, isagoo iska ilaalinaya cadaadiska iyo hadallada ka yimaada internetka, Cubarsí wuxuu kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda koowaad ee Barcelona ciyaaray 18 Janaayo 2024, isagoo markaas jiray kaliya 16 sano, 11 bilood iyo 27 maalmood.
Fursaddaas waxaa siiyay tababarihii Barcelona ee xilligaas, Xavi Hernández, kulankii Copa del Rey ee ay la ciyaareen Unionistas de Salamanca, tan iyo markaas, Cubarsí wuxuu Barcelona u saftay 129 kulan, isagoo dhaliyay 2 gool islamarkaana sameeyay 5 caawin.
Daafaca reer Spain ayaa Barcelona kula guuleystay 5 koob, kuwaas oo kala ah:
🏆 2 La Liga
🏆 1 Copa del Rey
🏆 2 Spanish Super Cup
Sidoo kale xulka Spain ayuu kula guuleystay biladdii dahabka ee Olombikada Paris 2024, waxaana qoraalka lagu sheegay inuu sidoo kale dambe xulka Spain kula guuleystay Koobka Adduunka.
Be the first to comment