Wakiilka xiddiga reer Senegal ee Ismaïla Sarr, Diomansy Kamara, ayaa si adag uga hadlay fashilka ku yimid isku daygii Liverpool ay ku doonaysay ciyaaryahanka Crystal Palace, isagoo sheegay in dhacdadani ay dhalinayso su’aalo ku saabsan sida loo maareeyo mustaqbalka ciyaartoyda Afrikaanka ah.
Sarr ayaa doonayay inuu u dhaqaaqo Liverpool maalmaha ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga, waxaana Reds ay Palace u gudbisay dalabyo ku saabsan xiddiga reer Senegal, Palace ayaa diiday dalabyada, ugu dambeyntiina Sarr wuxuu sii joogay Selhurst Park, arrintan ayaa si gaar ah uga careysiisay wakiilkiisa, kaas oo sidoo kale wakiil u ah Lamine Camara, ciyaaryahankii ku dhowaaday inuu Chelsea ugu biiro heshiis ku kacayay qiyaastii £47 milyan, balse Monaco ay daqiiqadihii ugu dambeeyay ka laabatay heshiiska.
Kamara ayaa fariin uu baraha bulshada ku daabacay ku sheegay in labada xaaladood ay tahay in laga fikiro, isagoo dhaliilay dhaqanka mararka qaar ciyaartoyda Afrikaanka looga dhigo “badeeco” la kala iibsado, iyadoo aan si ku filan loo tixgelin rabitaankooda iyo hamigooda, wuxuu ku adkeystay in ciyaartoyda Afrikaanka ah ay mudan yihiin ixtiraamka shaqadooda, xirfaddooda, hamigooda iyo codkooda, isagoo xusay in heshiisyada kubadda cagta aysan ahayn oo keliya lacag iyo gorgortan u dhexeeya laba kooxood, balse ay ku lug leeyihiin mustaqbalka qof iyo xirfaddiisa.

Dhanka Liverpool, kooxda ayaa Sarr u aragtay mid ka mid ah xulashooyinka ay u dhaqaaqi karto haddii Cody Gakpo uu ka tago Anfield. Gakpo ayaa ugu dambeyn sii joogay Liverpool kadib markii kooxda ay diiday dalab Manchester City ka yimid, taasoo meesha ka saartay baahidii Reds u qabtay Sarr.
Be the first to comment