KADIB XIRMIDII SUUQA:- Weli Xidigaha Suuqa si bilaash ah lagala wareegi karo Pogba, Benzema ilaa …..

Suuqa kala iibsiga xagaaga wuu xirmay, laakiin kooxihii ku fashilmay inay dhammeystiraan safkooda weli fursad ayay haystaan. Ciyaartoyda aan kooxaha ku jirin (free agents) ayaa wali saxiixi kara kooxo, waxaana suuqa ku jira magacyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Paul Pogba, Jadon Sancho iyo Karim Benzema oo 38 jir ah.

Kooxda sida weyn ugu baahan ciyaartoy cusub waa Everton, oo maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga la kulantay xaalad adag.

 Everton oo maalintii ugu dambeysay ku fashilantay

Everton waxay maalinta ugu dambeysay dooneysay inay hesho daafacyo garbaha ka ciyaara iyo weeraryahan.

Waxaa la filayay in Kenny Tete uu Fulham uga soo wareego Everton, halka Folarin Balogun uu u socday Liverpool si uu booska uga beddelo Beto oo kooxda ka tagay.

Everton waxay sidoo kale la soo wareegtay Ainsley Maitland-Niles, halka Nathan Patterson uu kooxda ka baxay. Jack Grealish ayaa isna kusoo laabtay Everton si uu booska uga buuxiyo Iliman Ndiaye.

Laakiin qorshihii ayaa burburay markii Balogun uu go’aankiisa beddelay, Fulham-na ay ka baxday heshiiskii Tete.

Natiijada waxay noqotay in Everton ay hadda haysato laba daafac garab oo dabiici ah iyo hal weeraryahan oo keliya.

Sidaas darteed, suuqa ciyaartoyda xorta ah ayaa noqon kara meesha ay Everton u jeesato.


 Karim Benzema

Karim Benzema waa magaca ugu weyn ee ciyaartoyda xorta ah.

38-jirkan ayaa leh khibrad aad u weyn, isagoo ku guuleystay Ballon d’Or iyo 5 Champions League.

Haddii uu Premier League yimaado, wuxuu noqon lahaa saxiix weyn, inkastoo da’diisa ay tahay caqabadda ugu weyn.

Everton ayaa xitaa ka faa’iideysan karta heshiis muddo gaaban ah, iyadoo Benzema uu door kayd ah ka qaadan karo weerarka.

Dhibaatada ugu weyn waxay noqon kartaa mushaharkiisa. Markii uu Real Madrid ka tagay 2023, waxaa la sheegay inuu Al-Ittihad ka qaadanayay ku dhowaad £1.4 milyan toddobaadkii, halka Al-Hilal uu markii dambe ka heli jiray qiyaastii £2 milyan toddobaadkii.

Haddii uu England yimaado, mushaharkaasi aad ayuu hoos ugu dhici lahaa.


Oleksandr Zinchenko

Zinchenko, oo hore Arsenal uga tirsanaa, ayaa 29 jir ah, waxaana weli u haray khibrad badan.

Wuxuu Nottingham Forest ku qaatay amaah, balse wuxuu sameeyay kaliya 10 kulan, ka hor inta aan heshiiska amaahda la soo gaabin.

Kadib wuxuu u wareegay Ajax, laakiin heshiiskiisa ayaa dhacay afar bilood kaddib.

Zinchenko wuxuu leeyahay 4 Premier League, 4 League Cup iyo 1 FA Cup.

Everton ama kooxaha bartamaha iyo hoose ee Premier League waxay u arki karaan inuu yahay xulasho macquul ah, inkastoo uu hadda dhaawac qabo.


Paul Pogba

Paul Pogba ayaa mar kale ah ciyaaryahan xor ah.

Ka dib markii uu Manchester United ka tagay, Pogba wuxuu dib ugu laabtay Juventus, balse waxaa lagu soo rogay ganaax la xiriira arrin doping ah.

Wuxuu kubadda kusoo laabtay isagoo Monaco u ciyaaray, laakiin wuxuu kooxda ka tagay bishii hore kaddib hal sano.

33-jirkan ma noqon karo mashruuc muddo dheer ah, balse khibraddiisa iyo tayadiisa ayaa weli kooxo badan caawin karta.


Jadon Sancho

Jadon Sancho isna wuxuu hadda yahay free agent.

Waxaa la sheegay in kooxda Brazil ee Palmeiras ay tahay meesha ugu dhow ee uu ku biiri karo.

Sancho wuxuu hore uga ciyaaray Manchester United, Borussia Dortmund, Chelsea iyo Aston Villa.

Inkasta oo mushaharkiisu uu aad u sarreeyay, haddana haddii uu qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa dib u helo, wuxuu weli noqon karaa ciyaaryahan si weyn uga caawiya kooxaha Premier League.


 Raphael Guerreiro

Guerreiro waa mid kamid ah ciyaartoyda garabka bidix ee wali la heli karo.

32-jirkan ayaa xagaagan ka tagay Bayern Munich, isagoo sidoo kale muddo dheer u ciyaaray Borussia Dortmund.

Wuxuu keeni karaa khibrad badan, waxaana laga yaabaa inuu diyaar u noqdo inuu door kayd ah qaato.

Everton, oo u baahan daafac bidix, ayaa noqon karta mid kamid ah kooxaha xiiseyn kara.


Tyrell Malacia

Malacia wuxuu Manchester United ka tagay xagaagan kaddib afar sano oo uu kooxda joogay.

27-jirkan ayaa weli ku jira da’da ugu wanaagsan ee kubadda cagta, waxaana laga yaabaa inuu doonayo bilow cusub.

Waxaa suuragal ah inuu dib ugu laabto Netherlands, gaar ahaan maadaama uu PSV hore ugu soo ciyaaray.


Mauro Icardi

Icardi waa weeraryahan caan ku ah gooldhalinta.

Wuxuu Galatasaray ka tagay xagaagan kaddib afar sano oo uu kooxda joogay.

  • Inter Milan: 124 gool / 219 kulan
  • Galatasaray: 77 gool / 134 kulan
  • PSG: 38 gool / 92 kulan

33-jirkan wuxuu weli leeyahay awood gooldhalineed, laakiin wararku waxay sheegayaan inuu ku dhow yahay inuu ku biiro Lazio.


Dani Carvajal

Dani Carvajal, kabtankii hore ee Real Madrid, ayaa sidoo kale wali koox cusub raadinaya.

34-jirkan wuxuu Real Madrid kasoo tagay xagaagan kaddib sannado badan oo guulo ah.

U dhaqaaqista Premier League uma muuqato mid aad u badan, gaar ahaan da’diisa iyo mushaharkiisii sare ee Real Madrid.

Si kastaba, koox sida Everton oo kale ah ayaa laga yaabaa inay tixgeliso haddii heshiis macquul ah la heli karo.


Anthony Martial

Anthony Martial ayaa sidoo kale wali ah ciyaaryahan xor ah.

30-jirkan ayaa xagaagan si wadajir ah uga tagay kooxda Mexico ee Monterrey.

Martial wuxuu Manchester United u dhaliyay 90 gool 317 kulan, halka uu AEK Athens u dhaliyay 9 gool 24 kulan.

Wuxuu leeyahay khibrad Premier League ah, waxaana laga yaabaa inuu noqdo weeraryahan kayd ah oo koox u shaqeeya.


 Joselu

Joselu wuxuu Real Madrid u ahaa weeraryahankii koowaad muddo aan sidaas u fogeyn, isagoo sameeyay iskaashi wanaagsan oo uu la lahaa Jude Bellingham.

36-jirkan wuxuu noqon karaa xal muddo gaaban ah.

Dhererkiisa oo ah 6 feet iyo 4 inches ayaa siinaya awood jireed oo weerarka ah oo kooxo badan aysan haysan.

Wuxuu hore Premier League uga soo ciyaaray Stoke City iyo Newcastle.


Magacyo kale oo wali la heli karo

Liiska ciyaartoyda xorta ah kuma eka kuwaas oo keliya. Waxaa sidoo kale suuqa ku jira magacyo caan ah sida:

  • Riyad Mahrez
  • Yves Bissouma
  • Reiss Nelson
  • Adam Webster
  • Abdoulaye Doucoure
  • Wilfried Zaha
  • Tanguy Ndombele
  • Raheem Sterling

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga