Zlatan Ibrahimovic oo Manchester United kula dar daarmay in mustaqbalka Man utd lagu dhiso 2dan xidig …

Halyeeyga kubadda cagta Sweden, Zlatan Ibrahimovic, ayaa xilli uu u ciyaarayay Manchester United si weyn u ammaanay laba ciyaaryahan oo da’yar oo kooxda ka tirsanaa, isagoo maamulka Red Devils kula taliyay inay mustaqbalka kooxda ku dhisaan Paul Pogba iyo Marcus Rashford.

Ibrahimovic ayaa Manchester United ku biiray July 2016 isagoo 35 jir ah, kadib markii uu kooxda ugu yimid si bilaash ah. Inkastoo uu Old Trafford joogay muddo kooban, haddana wuxuu si weyn uga dhex muuqday kooxda, isagoo 53 kulan u saftay dhammaan tartamada, kuna dhaliyay 29 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 10 caawin.

Mid ka mid ah kulamadiisii ugu xusuusta badnaa wuxuu ahaa finalkii League Cup-ka 2017, markaas oo Manchester United ay 3-2 kaga adkaatay Southampton, Ibrahimovic ayaa kulankaas dhaliyay laba gool, waxaana loo doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulanka, isagoo United ka caawiyay inay koobka qaaddo.

Intii uu Manchester joogay, Ibrahimovic wuxuu si gaar ah u arkay awoodda Paul Pogba, oo xagaagii 2016 kusoo laabtay Old Trafford isagoo Juventus uga yimid lacag dhan £85 milyan, taasoo xilligaas ahayd lacag rikoor ah oo adduunka ah, Zlatan wuxuu Pogba ku tilmaamay ciyaaryahan lahaa awood uu ku noqon karo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka booskiisa, wuxuu sidoo kale ku amaanay dabeecaddiisa, shaqada uu tababarka ka qabto iyo rabitaankiisa ah inuu mar walba horumar sameeyo oo uu guuleysto.

“Waxaan u maleynayaa in Paul Pogba inuu lahaa awood uu ku noqon karay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka booskiisa,” ayuu yiri Ibrahimovic, isagoo intaas ku daray in Pogba uu yahay qof wanaagsan, si adag u tababarta, isla markaana doonaya inuu kulanka kasta si wanaagsan u ciyaaro.

Si kastaba ha ahaatee, saadaashii Zlatan ee Pogba si buuxda uma rumoobin,  Inkastoo ciyaaryahanka reer France uu Manchester United u sameeyay bandhigyo heer sare ah, haddana dhaawacyo soo noqnoqday, muranno iyo cadaadis joogto ah ayaa saameeyay waqtigiisii kooxda. Ugu dambeyn, Pogba wuxuu United ka tagay 2022, isagoo aan si joogto ah u muujin awooddii weynayd ee laga filayay.

Zlatan sidoo kale wuxuu saadaal wanaagsan ka bixiyay Marcus Rashford, oo xilligaas ahaa weeraryahan da’yar oo kasoo baxay akadeemiyada Manchester United.

Ibrahimovic wuxuu sheegay in Rashford uu yahay mustaqbalka Manchester United, isagoo xusay in ciyaaryahanka da’da yar uu horumar weyn sameeyay, isla markaana uu bilaabay inuu awooddiisa u isticmaalo danta kooxda halkii uu kaliya naftiisa diiradda saari lahaa.

Rashford ayaa runtii noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan United sannadihii xigay, waxaana xilli ciyaareedkii 2022/23 uu dhaliyay 30 gool dhammaan tartamada,  Wuxuu sidoo kale galay 15-ka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan taariikhda Manchester United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga