DIB U-EEGID Rikoor Taariikhi ah Lamine YAMAL oo Rikoor cusub dhigay & Raphinha oo isna diiwaanka lagu qoray

Xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal ayaa rikoor cajiib ah ka dhigay FC Barcelona, kaddib markii uu gaaray 50 gool oo uu u dhaliyay kooxda dhammaan tartamada.

Yamal ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee shanta horyaal ee waaweyn Yurub ee gaaray 50 gool tan iyo ugu yaraan xilli ciyaareedkii 2014/15.

Wuxuu heerkan ku gaaray isagoo jira 19 sano iyo 49 maalmood, taasoo sii muujinaysa sida uu mustaqbalka ugu weyn uga yahay kubadda cagta Yurub.

Raphinha oo sameeyay bilow taariikhi ah

Raphinha ayaa isna sameeyay bilow cajiib ah xilli ciyaareedka LaLiga 2026/27, Raphinha ayaa dhaliyay 5 gool saddexdiisa kulan ee ugu horreeyay ee horyaalka, tani waa markii ugu horreysay tan iyo Lionel Messi xilli ciyaareedkii 2017/18 oo ciyaaryahan Barcelona ah uu 5 gool ka dhaliyo saddexda kulan ee ugu horreeya xilli ciyaareedka.

Messi ayaa isna 2017/18 sidaas ku sameeyay isagoo dhaliyay 5 gool, dhanka kale, weeraryahanka Sergio Camello ayaa qaab ciyaareed aan caadi ahayn ku jira, tan iyo 23-ka Abriil 2026, Camello wuxuu LaLiga ka dhaliyay 7 gool, waana ciyaaryahanka ugu goolasha badan tartanka muddadaas.

Barcelona ayaa sidoo kale leh rikoor wanaagsan marka ay gurigeeda ku wajahdo Rayo Vallecano, arcelona ayaan laga badin afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Rayo Vallecano gurigeeda kula ciyaartay LaLiga, iyadoo 3 jeer guuleysatay, hal marna barbaro gashay.

Waxa intaas dheer in Barcelona ay dhammaan afarta kulan aan wax gool ah laga dhalin lkn caawa ayey ku Rayo ayku guuleysteen iney shabaqa Barcelona soo taabtaan kooxda kubada cagta Rayo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga