Lamine Yamal ayaa markale loo doortay ciyaaryahanka ugu fiican La Liga, kaddib markii xiddiga Barcelona uu ku guuleystay abaal-marinta AFE ee ciyaartoyda ugu fiican horyaalka xilli ciyaareedkii 2025/26, Abaal-marintan oo lagu bixiyay xaflad ka dhacday Madrid ayaa noqotay markii labaad oo xiriir ah ee Yamal ay ciyaartoyda Spain u doortaan ciyaaryahanka ugu fiican La Liga.
Yamal ayaa xilli ciyaareedkii hore door weyn ka qaatay guulihii Barcelona, waxaana sidoo kale La Liga si rasmi ah ugu aqoonsatay ciyaaryahanka xilli ciyaareedka 2025/26, isagoo horyaalka ku dhaliyay 16 gool isla markaana sameeyay 12 caawin, markii uu ka hadlay abaal-marinta, Yamal wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, gaar ahaan maadaama ay codka siiyeen ciyaartoyda ay isku xirfadda yihiin, Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan doonayn inuu naftiisa la barbar dhigo weeraryahannada Real Madrid, balse uu diiradda saarayo in Barcelona ay wax walba ku guuleysato.
Warkan ayaa kusoo beegmaya kaddib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee kulankii Rayo Vallecano, markaas oo Barcelona ay 5–2 ku badisay, Yamalna uu dhaliyay laba gool.
🏅🏆 ¡Lamine Yamal (@FCBarcelona_es), Mejor jugador de Primera División de la temporada 25/26 en la V Edición #PremiosAFE! pic.twitter.com/1VObPSVF7D
— AFE (@afefutbol) September 1, 2026
Dhanka kale, Yamal ayaa wax laga weydiiyay xiisihii Barcelona ee Julián Álvarez, balse xiddiga reer Spain wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda hadda jirta, isagoo ku adkeystay in Barcelona aysan goolal ka cabanayn,, Ujeeddadiisa ugu weynna uu yahay inuu kooxda ka caawiyo inay ku guuleysato koobabka oo dhan, gaar ahaan Champions League.
Be the first to comment